Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maleeshiyaadka Khawaarijta oo ku dagaalamay gudaha degmada Jilib

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Maleeshiyaadka Khawaarijta oo ku dagaalamay gudaha degmada Jilib
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa guri uu degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ku weeraray horjooge sare oo ka tirsanaa Ajaaniibta ka bar bar dagaalama Maleeshiyaadka Khawaarijta.

Horjoogahaan gurigiisa lagu weeraray ayaa waxaa lagu magacaabaa Jaabir waxaana uu ka mid yahay Horjoogayaasha Ajaaniibta ah ee saameynta ku dhex leh kooxda gabalkeedu sii dhacayo ee Khawaarijta Al-Shabaab kuwaasi oo hada si weyn uu khilaaf u hareeyey .

Related posts

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026

Maleeshiyaad toos uga amar qaata horjoogaha dhagarta badan ee Mahad Karataay ayaa weeraray guriga uu Jilib ka degenaa Horjooge Jaabir oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Kenya kaasi oo ku yaala Suuqa Mallaayga degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Wararka ay Warbaahinta Qaranka ka heshay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in Maleeshiyaad laba garab ah oo Khawaarijta ka wada tirsan uu dagaal toos ah oo daqiiqado socday uu ku dhex maray suuqa Kalluunka ee degmada Jilib kaasi oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey 5 ka tirsan Maleeshiyadka Khawaarijta ayaa ku geeriyooday dagaalkan tooska ah ee gudaha magaalada Jilib ku dhex maray Khawaarijta halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo uu ku jiro Horjoogaha ajinabiga ah ee gurigii uu degenaa la weeraray kaasi oo isaga oo dhaawac ah ay qaateen Maleeshiyaadkii soo weeraray kuwaasi oo iyagu doonaya inay wiiqaan Ajaaniibta ka hor timid Horjoogaha cusub ee Khawaarijta Ajaaniibta ah ee Jacfar Suudaani.

Dhinaca kale Maleeshiyaad daacad u ah Horjoogihii hore ee Ajaaniibta Khawaarijta ah ee Salmaan Muhaajir  ayaa isku diyaarinaya iney weerarro ku qaadaan Xabsi ku yaala gudaha Jilib kaasi oo dhowaan lagu xeray Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal Ajaaniib ah kuwaasi oo Horjooge Maxamed Amiin oo dhalasho ahaan ay aad isugu dhow yihiin Mahad Karataay uu kasoo qafaashay deegaanka Kamsuuma ee gobolka Jubada Dhexe.

Xabsigan waxaa gacanta ku haya Horjooge Baashaaloow oo ka mid ah Horjoogayaasha isna Mahad Karataay aad ugu dhow kuwaasi oo hada dhammaantood u xuubsiibtay iney xoog ku maquuniyaad Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka Ajaaniibta ah ee feker ahaan taabacsan Horjoogihii hore ee Ajaaniibta Salmaan Muhaajir kaasi oo hada Al-Shabaab qudhoodu ay si aad ah u doon doonayaan isaga oo ku dhuumaaleeysanaya deegaanno hoos taga degmada Jilib.

Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab wixii ka dambeeyey intii ay sida xun ugu jabeen hawlgallada bilihii lasoo dhaafay ka soconayey gobollada Dalka oo Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo xoogagga Xoreynta deegaanka , hawlgalladaas oo ay Khawaarijtu ku waayeen deegaanno iyo degmooyin badan waxaa si aad ah usoo shaac baxayey khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay Horjoogayaasha kaasi oo markii hore ku bilowday isku eedeynta guul darrada iyo jabka kooxda.

Al-Shabaab, oo hada ku jira maalmihii ugu dambeeyey ee dhammaadkooda waxa ay maalmahoodii ugu dambeeyey ku qaadanayaan iney isku ugaarsadaan magaallooyin iyo deegaanno ay dhowr iyo toban sano si xoriyad leh ugu tamashleyn  jireen ayaga oo ku dhibaateyn jiray shacabkeenna Soomaaliyeed balse markan Alle ayaa garabkooda ka baxayoo waa geeri sugayaal.

Previous Post

Qaramada Midoobay oo dalbatay lacago lagu Caawinayo Malawi

Next Post

Trump oo maanta hortagaya Maxkamad

Next Post
Trump oo maanta hortagaya Maxkamad

Trump oo maanta hortagaya Maxkamad

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with his...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In