Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maleeshiyaadka Khawaarijta oo ku dagaalamay gudaha degmada Jilib

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Maleeshiyaadka Khawaarijta oo ku dagaalamay gudaha degmada Jilib
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa guri uu degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ku weeraray horjooge sare oo ka tirsanaa Ajaaniibta ka bar bar dagaalama Maleeshiyaadka Khawaarijta.

Horjoogahaan gurigiisa lagu weeraray ayaa waxaa lagu magacaabaa Jaabir waxaana uu ka mid yahay Horjoogayaasha Ajaaniibta ah ee saameynta ku dhex leh kooxda gabalkeedu sii dhacayo ee Khawaarijta Al-Shabaab kuwaasi oo hada si weyn uu khilaaf u hareeyey .

Related posts

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026

Maleeshiyaad toos uga amar qaata horjoogaha dhagarta badan ee Mahad Karataay ayaa weeraray guriga uu Jilib ka degenaa Horjooge Jaabir oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Kenya kaasi oo ku yaala Suuqa Mallaayga degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Wararka ay Warbaahinta Qaranka ka heshay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in Maleeshiyaad laba garab ah oo Khawaarijta ka wada tirsan uu dagaal toos ah oo daqiiqado socday uu ku dhex maray suuqa Kalluunka ee degmada Jilib kaasi oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey 5 ka tirsan Maleeshiyadka Khawaarijta ayaa ku geeriyooday dagaalkan tooska ah ee gudaha magaalada Jilib ku dhex maray Khawaarijta halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo uu ku jiro Horjoogaha ajinabiga ah ee gurigii uu degenaa la weeraray kaasi oo isaga oo dhaawac ah ay qaateen Maleeshiyaadkii soo weeraray kuwaasi oo iyagu doonaya inay wiiqaan Ajaaniibta ka hor timid Horjoogaha cusub ee Khawaarijta Ajaaniibta ah ee Jacfar Suudaani.

Dhinaca kale Maleeshiyaad daacad u ah Horjoogihii hore ee Ajaaniibta Khawaarijta ah ee Salmaan Muhaajir  ayaa isku diyaarinaya iney weerarro ku qaadaan Xabsi ku yaala gudaha Jilib kaasi oo dhowaan lagu xeray Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal Ajaaniib ah kuwaasi oo Horjooge Maxamed Amiin oo dhalasho ahaan ay aad isugu dhow yihiin Mahad Karataay uu kasoo qafaashay deegaanka Kamsuuma ee gobolka Jubada Dhexe.

Xabsigan waxaa gacanta ku haya Horjooge Baashaaloow oo ka mid ah Horjoogayaasha isna Mahad Karataay aad ugu dhow kuwaasi oo hada dhammaantood u xuubsiibtay iney xoog ku maquuniyaad Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka Ajaaniibta ah ee feker ahaan taabacsan Horjoogihii hore ee Ajaaniibta Salmaan Muhaajir kaasi oo hada Al-Shabaab qudhoodu ay si aad ah u doon doonayaan isaga oo ku dhuumaaleeysanaya deegaanno hoos taga degmada Jilib.

Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab wixii ka dambeeyey intii ay sida xun ugu jabeen hawlgallada bilihii lasoo dhaafay ka soconayey gobollada Dalka oo Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo xoogagga Xoreynta deegaanka , hawlgalladaas oo ay Khawaarijtu ku waayeen deegaanno iyo degmooyin badan waxaa si aad ah usoo shaac baxayey khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay Horjoogayaasha kaasi oo markii hore ku bilowday isku eedeynta guul darrada iyo jabka kooxda.

Al-Shabaab, oo hada ku jira maalmihii ugu dambeeyey ee dhammaadkooda waxa ay maalmahoodii ugu dambeeyey ku qaadanayaan iney isku ugaarsadaan magaallooyin iyo deegaanno ay dhowr iyo toban sano si xoriyad leh ugu tamashleyn  jireen ayaga oo ku dhibaateyn jiray shacabkeenna Soomaaliyeed balse markan Alle ayaa garabkooda ka baxayoo waa geeri sugayaal.

Previous Post

Qaramada Midoobay oo dalbatay lacago lagu Caawinayo Malawi

Next Post

Trump oo maanta hortagaya Maxkamad

Next Post
Trump oo maanta hortagaya Maxkamad

Trump oo maanta hortagaya Maxkamad

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee JFS, Dr Cali Xaaji Aadam Abubakar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb...

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026
0

Kulankii finalka ee Koobka Jeneraal Daa'uud ayaa galabta lagi soo gabagabeeyay Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho, halkaasi oo ay u daawasho...

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

February 2, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaranka, ahna Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir,...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

February 2, 2026
0

Magaalada Birmingham ee caasimadda labaad ee dalka UK ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In