Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maraykanka iyo Midowga Yurub oo ka soo horjeestay degaan balaarsiga ay Isra’iil ka waddo Daanta Galbeed

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Maraykanka iyo Midowga Yurub oo ka soo horjeestay degaan balaarsiga ay Isra’iil ka waddo Daanta Galbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa si wada jir ah ugu soo horjeestay  go’aanda Isra’iil  ee ku aaddan degameenta Sagaal goobood oo ku yaalla Daanta Galbeed, iyaga oo sheegay in talaabadan ay wiiqeeyso wada xaajoodka u dhaxeeya Falastiin iyo Israa’iiliyiinta.

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Anthony Blinken, ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in Maraykanku uu si adag uga soo horjeedo degameenta ay Isra’iil ka waddo Daanta Galbeed iyo guud ahaanba dhulka Falastiin, isaga oo Carrabka ku adkeeyay in tallaabooyinkan halka dhinac ah ay wiiqayaan rajada laga qabo in xal lagu gaaro wadahadal.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026

Dhanka kale, Midowga Yurub ayaa war ka soobaxay Isniintii  shalay ku muujiyay diidmadooda ku saabsan  go’aanka Israa’iil ay ku dooneyso inay ku  sharciyeysato  xaruma ay ugu tala gashay inay dib u dajin ugu sameeyso dadkeeda.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub uu diiday go’aankan, waxayna sheegeen in deegaamayntaasi ay tahay mid sharci darro ah marka loo eego shuruucda caalamiga ah, isla markaana aysan aqoonsan doonin isbedel kasta oo lagu sameeyo is afgaradkii xuduudaha ee dhexmaray Falastiin iyo Isra’iil 1967-kii.

Midowga Yurub ayaa ugu baaqay maamulka Israa’iil inay joojiyaan dhismaha deegaamaynta, waxayna muujiyeen walaac ay ka qabaan xiisadaha sii kordhaya.

Previous Post

Soomaaliya iyo Qaramada midoobay oo ka wada hadlay xaaladaha barakacayaasha

Next Post

Hay’adda Nabad Sugidda oo digniin u dirtay qaar ka mid ah Ganacsatada

Next Post

Hay'adda Nabad Sugidda oo digniin u dirtay qaar ka mid ah Ganacsatada

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo noqotay dowladdii shanaad ee ansixisa, taas oo...

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

Somalia Thanks China for Continued Support and Strong Bilateral Cooperation

January 21, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, led by H.E. Abdisalam Ali ,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In