Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maraykanka iyo Midowga Yurub oo ka soo horjeestay degaan balaarsiga ay Isra’iil ka waddo Daanta Galbeed

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Maraykanka iyo Midowga Yurub oo ka soo horjeestay degaan balaarsiga ay Isra’iil ka waddo Daanta Galbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa si wada jir ah ugu soo horjeestay  go’aanda Isra’iil  ee ku aaddan degameenta Sagaal goobood oo ku yaalla Daanta Galbeed, iyaga oo sheegay in talaabadan ay wiiqeeyso wada xaajoodka u dhaxeeya Falastiin iyo Israa’iiliyiinta.

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Anthony Blinken, ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in Maraykanku uu si adag uga soo horjeedo degameenta ay Isra’iil ka waddo Daanta Galbeed iyo guud ahaanba dhulka Falastiin, isaga oo Carrabka ku adkeeyay in tallaabooyinkan halka dhinac ah ay wiiqayaan rajada laga qabo in xal lagu gaaro wadahadal.

Related posts

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

March 19, 2026

Dhanka kale, Midowga Yurub ayaa war ka soobaxay Isniintii  shalay ku muujiyay diidmadooda ku saabsan  go’aanka Israa’iil ay ku dooneyso inay ku  sharciyeysato  xaruma ay ugu tala gashay inay dib u dajin ugu sameeyso dadkeeda.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub uu diiday go’aankan, waxayna sheegeen in deegaamayntaasi ay tahay mid sharci darro ah marka loo eego shuruucda caalamiga ah, isla markaana aysan aqoonsan doonin isbedel kasta oo lagu sameeyo is afgaradkii xuduudaha ee dhexmaray Falastiin iyo Isra’iil 1967-kii.

Midowga Yurub ayaa ugu baaqay maamulka Israa’iil inay joojiyaan dhismaha deegaamaynta, waxayna muujiyeen walaac ay ka qabaan xiisadaha sii kordhaya.

Previous Post

Soomaaliya iyo Qaramada midoobay oo ka wada hadlay xaaladaha barakacayaasha

Next Post

Hay’adda Nabad Sugidda oo digniin u dirtay qaar ka mid ah Ganacsatada

Next Post

Hay'adda Nabad Sugidda oo digniin u dirtay qaar ka mid ah Ganacsatada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed iyo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

March 19, 2026
0

Waxa aan hambalyo ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga la wadaagayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Islaamka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

March 19, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer shaqo ugu tegay cutubyo ka tirsan ciidamada oo ku sugan...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In