Tuesday, February 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareekanka oo abaal marin siindoona cidii keenta xogta shaqsiyaad Argagaxisada katirsan

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Mareekanka oo abaal marin siindoona cidii keenta xogta shaqsiyaad Argagaxisada katirsan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibedda ee Dalka Maraykanka oo ay maamusho Hay’adda Nabad sugidda, ayaa sheegtay in ay abaal-marin lacageed oo dhan 10-Milyan oo Dollar ku bixineyso cid kasta oo keenta xog lagu soo xiri karo ama lagu ogaan karo halka uu joogo Macallin Ayman iyo saraakiil kale.

Ninkaasi ayaa lagu eedeeyay in uu  maleegay ama gacan ka geystay fulinta weerarkii argagixisanimo ee Janaayo 5, 2020 ee lagu qaaday shaqaalaha Mareykanka iyo Kenya ee xilligaasi ku sugnaa garoonka Manda Bay Airfield ee Dalka Kenya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

February 16, 2026
Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

February 16, 2026

Macalin Ayman waa hogaamiyaha Jaysh Ayman oo ah unug ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo weeraro argagixiso ka wada Kenya iyo Soomaaliya.

Ayman ayaa mas’uul ka ahaa diyaarinta weerarkii Janaayo 2020. Bishii Noofambar 2020, waxayna Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka u aqoonsatay Ayman inuu yahay argagixiso caalami ah.

Weerarkaan oo dhacay subaxnimadii hore Janaayo 2020, ayaa Khawaarijta Al-Shabaab waxa ay ku dileen askari Maraykan ah iyo laba qandaraasle oo ka tirsan Waaxda Difaaca Maraykanka ,waxayna dhaawaceen laba kale oo ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo mid saddexaad oo qandaraasle ah.

Garoonka Manda Bay Airfield waa qayb ka mid ah saldhigyada ciidamada Difaaca Kenya oo ay isticmaalaan ciidamada qalabka sida ee Mareykanka si ay tababarro iyo taageero la xiriirta wax ka qabashada dhibaatooyinka, iyo ilaalinta danaha Mareykanka ee gobolka u siiyaan la-hawlgalayaasha Bariga Afrika.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa bishii Maarso 2008-dii Khawaarijta Al-Shabaab u aqoonsatay urur argagixiso caalami.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo booqday Warshadaha Hubka ee Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta

Next Post

Khawaarijta oo khasaaro xooggan kala kulmay dagaalkii saakay ee deegaanka Hilowle-gaab

Next Post
Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ku dilay 20 khawaarij ah

Khawaarijta oo khasaaro xooggan kala kulmay dagaalkii saakay ee deegaanka Hilowle-gaab

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

February 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, oo...

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

February 16, 2026
0

Akhriatayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalkeenna. Halkan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Qatar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Qatar

February 16, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal miro dhal ah oo khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka...

Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan wadatashi ah

Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan wadatashi ah

February 16, 2026
0

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa Ha’yadda (NAP Global Network) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In