Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Anthony Blinken, ayaa sheegay Talaadadii in uu kala hadlay xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain xaaladda Ukraine iyo taageerada la siinayo dalkaas, si ay isaga caabbiyaan weerarada kaga imanaya Ruushka.
Xoghayaha arrimaha dibadda Britain, James Cleverly, ayaa dhankiisa sheegay in Ruushka oo kaashanaya Iiraan, ay Ukraine ka geysteen dhibatooyin fara badan, sidokale Xoghayaha waxuu carrabka ku adkeeyay in dalkiisa uu siinaya Ukraine taageero dheeraad ah oo hubka culus ah, si ay ka hortagto weerarada Ruushka.
Uk, ayaa Sabtigii la soo dhaafay ku dhawaaqday inay taangiyada loo yaqaana Challenger 2 ay u diri doonto Kiev, si ay u noqdaan waddankii ugu horreeyay ee dalkaas ku taageera taangiyada culus ee ay reer galbeedku sameeyaan.
Xoghayaha arrimaha dibadda Britain, James Cleverly, ayaa dhawaan booqanaya Maraykanka iyo Canada, ka dib markii dalkiisa uu ay noqotay waddankii ugu horreeyay ee ka soo baxa balanqaadyadii Hubeed ee loo sameeyay Ukraine.