Saturday, September 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykan iyo Japan oo heshiis wada gaaray

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Mareykan iyo Japan oo heshiis wada gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maalintii Jimcaha, waxaa magaalada Washington DC,  lagu soo gabagabeeyay shir madaxeed u dhaxeeyay Mareykanka iyo Japan, kaas oo diiradda lagu saaray xiriirka labada dal iyo xaaladda Bariga Aasiya, kaa oo ugu horeyn Beijing ay cambaareysay.

Ra’iisul Wasaaraha Japan Yoshihide, oo noqonaayo hogaamiyihii ugu horreeyay ee uu madaxweynaha cusub ee Mareykanka ku qaabilo magaalada Washington, ayaa waxay ku heshiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashanayaan arrimaha Bariga Aasiya gaar ahaan isbalaarinta Shiinaha.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

“Waxaa naga go’an inaan si wadajir ah wax uga qabanno caqabadaha Badda Bariga iyo Koonfurta Shiinaha iyo sidoo kale arrinta Kuuriyada Waqooyi,” ayuu Biden ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad, xilli uu garab taagnaa Ra’iisul Wasaaraha Japan.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha Japan ayaa ka hadlay isbahaysi salka ku haya xorriyadda, dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha ee Aasiya, isagoo carrabka ku adkeeyay in ay ka soo horjeedaan isku day kasta oo ay Beijing ku doonayso inay ku beddesho xaaladda hadda ka jirta Koonfurta iyo Bariga Badaha Shiinaha.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa balanqaaday inuu la shaqeyn doono Xukuumadda Tokyo, si loo dhiirrigeliyo shabakadaha 5G, heshiiskan oo ku kici doona lacag dhan laba bilyan oo doolar.

Previous Post

Wasiirka Amniga XFS  oo ka hadlay arrimo ku saabsan amniga dalka

Next Post

Golaha ammaanka oo ansixiyay xabbad joojin laga hirgeliyo Liibiya

Next Post
Golaha ammaanka oo ansixiyay xabbad joojin laga hirgeliyo Liibiya

Golaha ammaanka oo ansixiyay xabbad joojin laga hirgeliyo Liibiya

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In