Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo caawimaadka dhaqaale la joojiyay Falastiin

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Mareykanka oo caawimaadka dhaqaale la joojiyay Falastiin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amray in in ka badan  $200m (£155m) oo ah caawimaad dhaqaale oo Mareykanka u qoondeeyay Magaalada Gaza iyo Daanta Galbeed ee Falastiiniyiinta loo weeciyo meel kale.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in go’aankan la qaatay markii dib-u-eegis lagu sameeyay dhaqaalahaas in uusan ku bixin hanaan waafaqsan danaha qaranka Mareykanka.

Related posts

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026
Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

March 30, 2026

Afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa jimcihii sheegay in la gaaray go’aanka dhaqaalihii Falastiin la siin jirey lagu weeciyay hase yeeshee afhayeenku ma sheegin halka lacagtaas lagu bixin doono.

Horey Mareykanka waxaa ay hakiyeen  $65m oo la siin jirey hey’adda QM u qaabilsan qaxootiga Falastiin.

Xiriirka u dhaxeeya Falastiin iyo Mareykanka ay ayaa adkaa tan iyo markii Trump uu qabtay talada wadanka.

Waxayna arrinta sii xumaatay markii Madaxweyne Trump bishii December sanadkii 2017, uu caasimadda Isreal u aqoonsaday magaalada barakeysan ee Qudus, iyadoo Falastiiniyiintu Mareykanka u eedeeyeen in uusan dhex dhexaad ka noqon karin qadiyada Falastiin.

Maamulka Mareykanka ayaa sidoo kale, hakiyay caawimaadii dhaqaale ee la siin jirey Falastiin.

Go’aankaas ayaa waxaa walaac ka muujiyay Falastiiniyiinta iyo laanta QM u qaabilsan qaxootiga Falastiin, waxayna sheegeen in nolasha ay ku adkaaneyso muwaadiniinta Falastiiniyiinta ah.

Si kastaba, saraakiisha Amerikaanku qorshaha kuma darsan dhaleeceynta caalamka ugu imaan karto joojinta kaalmadaas la siin jirey dadka ku nool Gaza oo markii horeba nolashada ku adkeyn.

Previous Post

Daawo Sawirrada: Shirki nabadeynta ee ka socday Cadale oo meel wanaagsan maraya

Next Post

Duqa Muqdisho oo jaaliyadda Imaaraadka ugu baaqey inay ka qeyb qaataan horumarka Caasimadda

Next Post
Duqa Muqdisho oo jaaliyadda Imaaraadka ugu baaqey inay ka qeyb qaataan horumarka Caasimadda

Duqa Muqdisho oo jaaliyadda Imaaraadka ugu baaqey inay ka qeyb qaataan horumarka Caasimadda

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn ah ayaa gaaray magaalada Baydhabo, ka dib markii ay waddada dheer...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

March 30, 2026
0

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, oo ay hoggaamineyso Guddoomiyaha Guddiga Dr. Maryam Qasim Axmed, ayaa...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad Qeybta 1aad Kumaan Dooska GorGor ayaa howlgalo Amni Xaqiijin iyo sifeyn...

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In