Thursday, July 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo diiday Gabar Madow oo loo magacaabi lahaa Agaasimaha hey’adda WTO

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
October 29, 2020
in Wararka
0
Mareykanka oo diiday Gabar Madow oo loo magacaabi lahaa Agaasimaha hey’adda WTO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qorshihii ahaa in wasiirkii hore ee Maaliyadda Nigeria loo magacaabo agaasimaha hey’adda Ganacsiga Adduunka ee WTO ayaa meesha ka baxay, markii Mareykanku ka hor yimid qorshahaas.

Arbacadii ayaa 164 xubnood oo ururkan go’aamiyeen in Ngozi Okonjo-Iweral ay noqoto madaxa hey’adda WTO, taas oo noqon laheyd haweeneydii ugu horeysay iyo Afrikaankii ugu horeeyay oo WTO hogaamiya.

Related posts

Arday booqasho ku tegtay beero ku yaala xarunta Wasaaradda Beeraha

Arday booqasho ku tegtay beero ku yaala xarunta Wasaaradda Beeraha

July 16, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

July 16, 2025

Mareykanka oo WTO si weyn ugu dhaliilsan sida ay u maareyso ganacsiga adduunka ayaa doonaya in hey’adda loo dhiibo gabar Koofur Kuuriyaan ah oo la yiraahdo Yoo Myung-hee, taas oo ay aaminsan yihiin in isbedel ku sameyn karto WTO.

Hanaanka magacaabista agaasimaha guud ee WTO ayaa socday affar bilood, laakiin hadda waxay u muuqataa in Mareykanku uu diiday, maadaama ay taageersan yihiin wasiirka ganacsiga Koofur Kuuriya.

Wakiilka Mareykanka ee WTO oo qoraal soo saaray, ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu ku taliyay in siyaasadda ganacsiga ee ururka isbedel lagu sameeyo, isla markaana loo baahan yahay qof si dhab ah u hogaaminaya kaas oo leh waaya-aragnimo balaaran.

“Ms Yoo waxay leedahay shakhsiyad gaar ah, waa khabiir ganacsi oo leh xirfadaha lagama maarmaanka u ah hogaaminta hey’adda “, ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo lagu yiri: “Hadda WTO iyo ganacsiga dunida wuxuu ku jiraa xilli adag. Ma jiro wax wadaxaajood ah oo ku saabsan ka wada shaqeynta tariifooyinka muddo 25 sano ah, hanaanka xalinta khilaafaadka faraha ayuu ka baxay, dalal yar ayaa fuliya mabaadi’da aas aaska ah ee waajibaadka iyo hufnaanta ururka. WTO waxay si aad ah ugu baahan tahay in isbedel micno leh lagu sameeyo.”

Hase yeeshee, qoraalka ka soo baxay Mareykanka laguma xusin magaca gabadha reer Nigeria ee Okonjo-Iweala.

Arbacadii wufuudda xubnaha WTO ayaa waxaa ay ka doodeen magacaabista agaasimaha cusub, afhayeenka ururka Keith Rockwell ayaa sheegay in uusan jirin wadan taageerey Okonjo-Iweal.

“Dhammaan wufuudda waxay muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin hanaanka maanta socda, wayna taageereen natiijada marka laga reebo hal wadan,” ayuu yiri.

Mr Trump ayaa WTO ku sifeeyay mid dhibaato isla markaana u janjeerta dhinaca Shiinaha, Trump waxaa uu horey u joojiyay arrimo badan oo ururka khuseysa oo ay kamid tahay magacaabista agaasimaha.

Si kastaba, kulanka ugu dambeeyay oo lagu go’aaminayo agaasimaha ayaa qabsoomi doona 9 bisha November ka dib doorashada madaxtinimada Mareykanka, in Washington diiday gabadha reer Nigeria micnaheeda ma ahan in aan loo magacaabi doonin xilka WTO, laakiin Mareykanku waxay saameyn ku leeyihiin go’aanka kama dambeysta ah ee ururka.

Mr Rockwell ayaa war fidiyeenka u sheegay in Ms Okonjo-Iweala ay taageero ka heysato dalalka Midowga Yurub.

WTO hadda waxaa hogaaminaya affar agaasime ku xigeen ka dib markii bishii August uu iscasilay agaasimihii ururka Roberto Azevedo.

Ms Okonjo-Iweala, 66 sano jir ah, ayaa soo qabatay xilka wasiirka Maaliyadda Nigeria sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda ayay ahaan jirtay, waxay leedahay waaya-aragnimo ka badan 25 sano, iyadoo la soo shaqeysay Bankiga adduunka.

 

Previous Post

KALA SAARIDDA XORRIYADDA HADALKA IYO KU XADGUDUBKA MUQADASAADKA DIINIGA AH

Next Post

Mareykanka oo Diiradda Saaraya Carqaladeynta Dhaqaalaha ee Al-Shabaab

Next Post
Mareykanka oo Diiradda Saaraya Carqaladeynta Dhaqaalaha ee Al-Shabaab

Mareykanka oo Diiradda Saaraya Carqaladeynta Dhaqaalaha ee Al-Shabaab

Arday booqasho ku tegtay beero ku yaala xarunta Wasaaradda Beeraha

Arday booqasho ku tegtay beero ku yaala xarunta Wasaaradda Beeraha

July 16, 2025
0

Ku dhawaad 50 arday oo ka qaybgalaya Barnaamijka Tababarka Internet of Things (IoT) ee Beerashada Casriga ah ayaa booqasho waxbarasho...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

July 16, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Danjire Charles Nicholas King,...

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo QM oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo Nidaamka Isbadalka Digital-ka Soomaaliya

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo QM oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo Nidaamka Isbadalka Digital-ka Soomaaliya

July 16, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macallim (Soomaali), iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), ayaa maanta si...

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga dalka laga bilaabi doono qodista ceelasha shidaalka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga dalka laga bilaabi doono qodista ceelasha shidaalka Soomaaliya

July 16, 2025
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqaynayso sidii loo qodi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In