Wednesday, March 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo jaray kaalmadii uu siin jirey Pakistaan

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Mareykanka oo  jaray kaalmadii uu siin jirey Pakistaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xukuumadda Washington ayaa markale ku celisay in dalka Pakistaan laga jarayo dhammaan kaalmada dhaqaale ee dhanka ammaanka ee uu dalkaasi siinjiray Mareykanka,kadib markii lagu eedeeyey Pakistaan in ay wax ka qabato falalka argagixisada la xiriira.

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay xayiraaddaasi sii jiri doonto ilaa iyo inta xukuumadda Islamabad ay tallaabo ka qaadeyso kooxaha Haqqani iyo Taalibaanka Afqaanistaan.

Related posts

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026

Dowladda Mareykanka oo durba bilowday xayiraadda dhaqaalahaasi,waxaana haatan la hakiyay kaalmo milatari oo uu Pakistan siin lahaa oo ka badan 255 milyan oo doolar.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Shalay oo khamiis ahayd waxa ay dalka Pakistan ku dartay liis waddamo khaas ah oo ay eegeyso, kuwaasi oo ay ku eedeysay in ay si xun ugu xad-gudbayaan xorriyaddaqowlka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Kal hore Pakisttan ku eedeeyay in ay khiyaaneyso dalkiisa ilsa markaana ay ka qaadaneyso balaayiin doolar oo kaalma ah,iyadoo Pakistaana ay arrintaasi beenisay.

Mowqifka Mareykanka uu ka qaatay Pakistan ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay waddamada India iyo Afqaanistaan, balse Shiinaha oo tobanaan bilyan oo doolar ku maalgashanaya dalkaasi Pakistan ayaa ku gacan seyray,qorshahaasi.

Afhaeenad u hadashey waaxda arrimaha dibadda ee dowladda  Mareykanka oo go’aankaasi shaacisay ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay tixgelisay dhibaatada ay geysanayaan kooxda Taalibaanka Afqaanistaan iyo shabakadda Haqqaani, kuwaasi oo ay sheegtay in ay xasillooni darro ka abuurayaan gobolka isla markaana ay bartilmaameedsanayaan ciidamada Mareykanka.

Waxaa Kooxdan ay xiriir  dhow la leedahay  kooxda Taalibaan oo halis weyn ku ah dowladda Afqaanistaan isla markaana dhowr jeer ku hanjabtay in ay xasillooni darro ka abuuri doonto Pakistan.

Pakistan ayaa ciidamada caalamiga ah u ogolaatay in ay sahayda u soo marto dhulkeeda xilligii dagaalkii Afqaanistaan waxaana reer galbeedka ay ka caawisay la dagaalanka kooxaha sida Al-Qaacidda balse hadda waxaa lagu eedeeyaa in kooxahaasi gabbaad siineyso.

Hadii Dowladda Mareykanka ay go’aankaasi qaadato ayaa waxaa meesha ka baxaya xiriirkii ka dhexeyay wadamada Pakistaan iyo Mareykanka oo in muddo ah soo ahaa xulifo soo jireen ah.

Previous Post

Soomaalida ku nool Itoobiya oo ka cabanaya weerarda ay ku hayaan Oromada oo sii kordhaya

Next Post

Dhageyso: Maamulka Degmada Buulo barde oo sheegay in ay diyaariyeen Qorshayaal Maleeshiyada Al shabaab looga saarayo Deegaanada hoos yimaada

Next Post
Dhageyso: Maamulka Degmada Buulo barde oo sheegay in ay diyaariyeen Qorshayaal Maleeshiyada Al shabaab looga saarayo Deegaanada hoos yimaada

Dhageyso: Maamulka Degmada Buulo barde oo sheegay in ay diyaariyeen Qorshayaal Maleeshiyada Al shabaab looga saarayo Deegaanada hoos yimaada

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

March 18, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maalintii labaad magaalada...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In