Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mashruuc shaqooyin lagu siinayo gabdhaha Jaamacadaha ka baxay oo maanta lagu daah furay Muqdisho-SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Mashruuc shaqooyin lagu siinayo gabdhaha Jaamacadaha ka baxay oo maanta lagu daah furay Muqdisho-SAWIRRO

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
Mashruuc shaqo lagu siinayo gabdhaha ka qalin jebiyay jaamacadaha ayaa maanta laga furay magaalada Muqdisho. Mashruucan oo ay iska kaashanayaan Hayโ€™adda Iftin Foundation, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Dalladda Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa loogu talo galay in la suurtogeliyo in gabdhuhu ay shaqooyin ka helaan shirkadaha, hayโ€™adaha, goobaha waxbarashada, dowladda iyo guud ahaanย ย inta shaqooyinka bixisa.

Waxaa halkaasi lagu soo bandhigay daraasad ka hadleyso heerka shaqo-helista ee gabdhaha jaamacadaha ka baxay, waxaana daraasadda lagu soo ogaaday cabaqadaha ugu waaweyn ee gabdhaha ka haysta inay shaqo helaan, caqabadahaas oo isugu jira kuwa gabdhaha naftooda xiriir la leh, kuwo la xiriira shirkadaha iyo kuwo la xiriira dhaqanka Soomaaliyeed.

ย 
Waxaa sidoo kale halkaasi lagu soo bandhigay website la yiraahdo fursad.so oo loogu talo galay in gabdhaha jaamacadaha ka baxay ay ku soo bandhigan karaan CV-gooda, sidoo kale shirkadaha iyo hayโ€™adaha shaqada bixiyana ay ka heli karaan gabdhaha ay doonayaan inay shaqo siiyaan. Waxaa sidoo kale daaha laga rogay nidaam SMS ah oo dadka shaqo-doonka ahi ay ku heli karaan shaqooyinka ka bannaan shirkadaha iyo hayโ€™adaha, kaasoo adeegsanaya farriinta gaaban ee SMS-ka loo yaqaano.
ย 
Mudane C/raxmaan Galaambe oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga ayaa sheegay in Rugtu ay horay u billowday mashruuc noocan oo kale ah oo shaqo lagu siinayo gabdhaha.
ย 
Guddoomiyaha Jaamacadda Soomaaliya, Md. C/raxmaan Ablaal ayaa yiri โ€œ20 sano ka hor waxaan u doodi jirnay in gabdhaha la keeno dugsiyada. 10 sano ka hor waxaan u doodi jirnay in gabdhaha jaamacado la geeyo, haddana waxay mareysaa in gabdhaha shaqo la siiyoโ€.
ย 
Intii ay xafladdu socotay illaa 3 shirkadood ayaa ballanqaaday inay shaqaaleysiin doonaan qaar ka mid ah gabdhaha ka soo qalinjebiyay jaamacadaha. Waxaa kaloo jira hayโ€™ado ballanqaaday inay gabdhaha siin doonaan waayo-aragnimo (internship). โ€œWaxaa muhiim ah in hayโ€™aduhu isku qoraan inay shaqaaleysiinayaan gabdhaha. Illaa sidaas laga sameeyo lama xallin doono arrintanโ€ ayuu yiri agaasimaha Dalladda Bulshada Rayidka ee SOSCENSA.
ย 
Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka, Cali Dheere, ayaa sheegay in 25% shaqaalah dowladda ay dumar yihiin, u u badan kuwa aan shahaado haysan. Wuxuu xusay ina muhiim tahay in fursado shaqo loo abuuro gabdhaha waxbartay iyo kuwa aan waxbaranba.
ย 
Wasiir hore Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay inay muhiim tahay in la taageero olole noocan oo kale ah. Waxaa sidoo kale ka hadlay agaasimaha waaxda waxbarashada dadban ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka oo sheegay inay muhiim tahay in la taageero mashruucan.
ย 
Aweys Sheekh Xaddaad, agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa xafladda lagu soo xiray ayaa sheegay inay muhiim tahay dowladdu u dooddo xuquuqda shaqaalaha dowladda iyo kuwa ka shaqeeya shirkadaha iyo hayโ€™adaha. Wuxuu sheegay inay sameyn doonaan sharciyo dhiirrigelinaya in gabdhuhu ay shaqooyin helaan.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
Previous Post

Madaxweynaha: โ€˜โ€™Waan soo dhaweyneynaa fikradaha saliimka ah ee dhalinyarada iyo aqoonyahannada si waddanka dib loogu dhisoโ€™โ€™ “Sawirro”

Next Post

Waddada Horumarka Iyo Hagardaamooyinka Horyaalla. FAALLO

Next Post
Waddada Horumarka Iyo Hagardaamooyinka Horyaalla. FAALLO

Waddada Horumarka Iyo Hagardaamooyinka Horyaalla. FAALLO

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

๐€๐ช๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ ๐š๐›๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ญ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In