Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mashruuc shaqooyin lagu siinayo gabdhaha Jaamacadaha ka baxay oo maanta lagu daah furay Muqdisho-SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Mashruuc shaqooyin lagu siinayo gabdhaha Jaamacadaha ka baxay oo maanta lagu daah furay Muqdisho-SAWIRRO

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
Mashruuc shaqo lagu siinayo gabdhaha ka qalin jebiyay jaamacadaha ayaa maanta laga furay magaalada Muqdisho. Mashruucan oo ay iska kaashanayaan Hay’adda Iftin Foundation, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Dalladda Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa loogu talo galay in la suurtogeliyo in gabdhuhu ay shaqooyin ka helaan shirkadaha, hay’adaha, goobaha waxbarashada, dowladda iyo guud ahaan  inta shaqooyinka bixisa.

Waxaa halkaasi lagu soo bandhigay daraasad ka hadleyso heerka shaqo-helista ee gabdhaha jaamacadaha ka baxay, waxaana daraasadda lagu soo ogaaday cabaqadaha ugu waaweyn ee gabdhaha ka haysta inay shaqo helaan, caqabadahaas oo isugu jira kuwa gabdhaha naftooda xiriir la leh, kuwo la xiriira shirkadaha iyo kuwo la xiriira dhaqanka Soomaaliyeed.

 
Waxaa sidoo kale halkaasi lagu soo bandhigay website la yiraahdo fursad.so oo loogu talo galay in gabdhaha jaamacadaha ka baxay ay ku soo bandhigan karaan CV-gooda, sidoo kale shirkadaha iyo hay’adaha shaqada bixiyana ay ka heli karaan gabdhaha ay doonayaan inay shaqo siiyaan. Waxaa sidoo kale daaha laga rogay nidaam SMS ah oo dadka shaqo-doonka ahi ay ku heli karaan shaqooyinka ka bannaan shirkadaha iyo hay’adaha, kaasoo adeegsanaya farriinta gaaban ee SMS-ka loo yaqaano.
 
Mudane C/raxmaan Galaambe oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga ayaa sheegay in Rugtu ay horay u billowday mashruuc noocan oo kale ah oo shaqo lagu siinayo gabdhaha.
 
Guddoomiyaha Jaamacadda Soomaaliya, Md. C/raxmaan Ablaal ayaa yiri “20 sano ka hor waxaan u doodi jirnay in gabdhaha la keeno dugsiyada. 10 sano ka hor waxaan u doodi jirnay in gabdhaha jaamacado la geeyo, haddana waxay mareysaa in gabdhaha shaqo la siiyo”.
 
Intii ay xafladdu socotay illaa 3 shirkadood ayaa ballanqaaday inay shaqaaleysiin doonaan qaar ka mid ah gabdhaha ka soo qalinjebiyay jaamacadaha. Waxaa kaloo jira hay’ado ballanqaaday inay gabdhaha siin doonaan waayo-aragnimo (internship). “Waxaa muhiim ah in hay’aduhu isku qoraan inay shaqaaleysiinayaan gabdhaha. Illaa sidaas laga sameeyo lama xallin doono arrintan” ayuu yiri agaasimaha Dalladda Bulshada Rayidka ee SOSCENSA.
 
Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka, Cali Dheere, ayaa sheegay in 25% shaqaalah dowladda ay dumar yihiin, u u badan kuwa aan shahaado haysan. Wuxuu xusay ina muhiim tahay in fursado shaqo loo abuuro gabdhaha waxbartay iyo kuwa aan waxbaranba.
 
Wasiir hore Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay inay muhiim tahay in la taageero olole noocan oo kale ah. Waxaa sidoo kale ka hadlay agaasimaha waaxda waxbarashada dadban ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka oo sheegay inay muhiim tahay in la taageero mashruucan.
 
Aweys Sheekh Xaddaad, agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa xafladda lagu soo xiray ayaa sheegay inay muhiim tahay dowladdu u dooddo xuquuqda shaqaalaha dowladda iyo kuwa ka shaqeeya shirkadaha iyo hay’adaha. Wuxuu sheegay inay sameyn doonaan sharciyo dhiirrigelinaya in gabdhuhu ay shaqooyin helaan.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
Previous Post

Madaxweynaha: ‘’Waan soo dhaweyneynaa fikradaha saliimka ah ee dhalinyarada iyo aqoonyahannada si waddanka dib loogu dhiso’’ “Sawirro”

Next Post

Waddada Horumarka Iyo Hagardaamooyinka Horyaalla. FAALLO

Next Post
Waddada Horumarka Iyo Hagardaamooyinka Horyaalla. FAALLO

Waddada Horumarka Iyo Hagardaamooyinka Horyaalla. FAALLO

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In