Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mashruuc shaqooyin lagu siinayo gabdhaha Jaamacadaha ka baxay oo maanta lagu daah furay Muqdisho-SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 13, 2015
in Wararka
0
Mashruuc shaqooyin lagu siinayo gabdhaha Jaamacadaha ka baxay oo maanta lagu daah furay Muqdisho-SAWIRRO

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
Mashruuc shaqo lagu siinayo gabdhaha ka qalin jebiyay jaamacadaha ayaa maanta laga furay magaalada Muqdisho. Mashruucan oo ay iska kaashanayaan Hay’adda Iftin Foundation, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Dalladda Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa loogu talo galay in la suurtogeliyo in gabdhuhu ay shaqooyin ka helaan shirkadaha, hay’adaha, goobaha waxbarashada, dowladda iyo guud ahaan  inta shaqooyinka bixisa.

Waxaa halkaasi lagu soo bandhigay daraasad ka hadleyso heerka shaqo-helista ee gabdhaha jaamacadaha ka baxay, waxaana daraasadda lagu soo ogaaday cabaqadaha ugu waaweyn ee gabdhaha ka haysta inay shaqo helaan, caqabadahaas oo isugu jira kuwa gabdhaha naftooda xiriir la leh, kuwo la xiriira shirkadaha iyo kuwo la xiriira dhaqanka Soomaaliyeed.

 
Waxaa sidoo kale halkaasi lagu soo bandhigay website la yiraahdo fursad.so oo loogu talo galay in gabdhaha jaamacadaha ka baxay ay ku soo bandhigan karaan CV-gooda, sidoo kale shirkadaha iyo hay’adaha shaqada bixiyana ay ka heli karaan gabdhaha ay doonayaan inay shaqo siiyaan. Waxaa sidoo kale daaha laga rogay nidaam SMS ah oo dadka shaqo-doonka ahi ay ku heli karaan shaqooyinka ka bannaan shirkadaha iyo hay’adaha, kaasoo adeegsanaya farriinta gaaban ee SMS-ka loo yaqaano.
 
Mudane C/raxmaan Galaambe oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga ayaa sheegay in Rugtu ay horay u billowday mashruuc noocan oo kale ah oo shaqo lagu siinayo gabdhaha.
 
Guddoomiyaha Jaamacadda Soomaaliya, Md. C/raxmaan Ablaal ayaa yiri “20 sano ka hor waxaan u doodi jirnay in gabdhaha la keeno dugsiyada. 10 sano ka hor waxaan u doodi jirnay in gabdhaha jaamacado la geeyo, haddana waxay mareysaa in gabdhaha shaqo la siiyo”.
 
Intii ay xafladdu socotay illaa 3 shirkadood ayaa ballanqaaday inay shaqaaleysiin doonaan qaar ka mid ah gabdhaha ka soo qalinjebiyay jaamacadaha. Waxaa kaloo jira hay’ado ballanqaaday inay gabdhaha siin doonaan waayo-aragnimo (internship). “Waxaa muhiim ah in hay’aduhu isku qoraan inay shaqaaleysiinayaan gabdhaha. Illaa sidaas laga sameeyo lama xallin doono arrintan” ayuu yiri agaasimaha Dalladda Bulshada Rayidka ee SOSCENSA.
 
Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka, Cali Dheere, ayaa sheegay in 25% shaqaalah dowladda ay dumar yihiin, u u badan kuwa aan shahaado haysan. Wuxuu xusay ina muhiim tahay in fursado shaqo loo abuuro gabdhaha waxbartay iyo kuwa aan waxbaranba.
 
Wasiir hore Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay inay muhiim tahay in la taageero olole noocan oo kale ah. Waxaa sidoo kale ka hadlay agaasimaha waaxda waxbarashada dadban ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka oo sheegay inay muhiim tahay in la taageero mashruucan.
 
Aweys Sheekh Xaddaad, agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa xafladda lagu soo xiray ayaa sheegay inay muhiim tahay dowladdu u dooddo xuquuqda shaqaalaha dowladda iyo kuwa ka shaqeeya shirkadaha iyo hay’adaha. Wuxuu sheegay inay sameyn doonaan sharciyo dhiirrigelinaya in gabdhuhu ay shaqooyin helaan.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
Previous Post

Madaxweynaha: ‘’Waan soo dhaweyneynaa fikradaha saliimka ah ee dhalinyarada iyo aqoonyahannada si waddanka dib loogu dhiso’’ “Sawirro”

Next Post

Waddada Horumarka Iyo Hagardaamooyinka Horyaalla. FAALLO

Next Post
Waddada Horumarka Iyo Hagardaamooyinka Horyaalla. FAALLO

Waddada Horumarka Iyo Hagardaamooyinka Horyaalla. FAALLO

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In