Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mashruuca Ka Soo Kabashada Xasaradaha Oo Ka Furmay Kismaayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Mashruuca Ka Soo Kabashada Xasaradaha Oo Ka Furmay Kismaayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir wadatashi oo looga hadlayo mashruuc la xiriiro ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland.

Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa xoogga lagu saarayaa sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha, Fatahaadaha, Ayaxa iyo cudurka COVID-19, waxaana Dowladda Soomaaliya ka taageeraya Bankiga Adduunka.

Related posts

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Qorsheynta Dowlad Goboleedka Jubbaland, Agaasime Waaxeedyada iyo shaqaalaha ayaa goob joog ka ahaa shirka, kuwaas oo aragtidooda ka dhiibanayay shirka intii uu socday

Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta Maamulka Jubbaland Cabdiwaaxid Maxamed Dhaqane oo furitaanka shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in shirkan dib loogu eegayo waxyaabihii kaabayaasha dhaqaalaha ee ku waxyeelobay dhibaatooyinkii la soo maray ee ay ka mid ahaayeen daadadka, Abaaraha, Ayaxa iyo cudurka Covid-19 oo halakeeyay dunida intiisa kale.

Asad Yuusuf Qanyare oo ah madaxa xiriirka deeq-bixiyeyaasha ee Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka ayaa sheegay inuu shirka ujeedkiisu uu yahay sidii looga hortegi lahaa xasaradaha soo noq noqday ee Abaaraha, dadaadka, Ayaxa iyo Cudurka COVID-19.

Diyaarinta mashruucan Waxaa lagala tashaday Wasaaradaha ay quseeyso heer Fedaraal iyo heer dawlad goboleed.

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorsheynta heer federaal waxa ay in muddo ah ka shaqeeynayeen qaabdhismeedka lagu hirgelinaayo mashruuca iyo shaqaaleynsiinta howl-wadeenada Mashruucan;

Waxaa jiray shuruudo adag oo uu Baanka Aduunku ku xiran Maalgelinta mashruucan oo ay lagama maarmaan tahay in lafuliyo si loo soo deeyo lacagaha. Waxaa ka mid ah diyaarinta dokumeentiga mashruuca, sharciga, heshiiska maalgelinta iyo diyaarinta howlwadeenada laf dhabarka u ah mashruuca.

Qaab dhismeedka maamulka mashruucu waxa uu ka kooban yahay saddex heer oo kala ah;
– Guddiga Hoggaaminta mashruuca (PSC)
– Unugga Fulinta Mashruuca (PIU)
– Hawl-wadeenada maamulka mashruuca ee heer dowlad goboleedka. (SPT).

Ujeedada wadatashiga ayaa ah mudnaansiinta baahiyaha u Adkeysiga iyo soo kabashada ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaali. Baahiyahan oo wadanka idil horay looga soo uruuriyay ayaa la doonayaa in lagaso xulo kuwooda hor-tabinta leh.

Waxa aan rajanaynaa waxa kasoo baxa wada-tashigan in ay noqdaan xal wax ka tara masiibooyinkan soo noqnoqday.

Aadan Maxamed Salaad (Aadan Kismaayo) 

Previous Post

WHO Oo Shaacisay In Si Deg Deg Ah Looga Guuleysan Karo Cudurka COVID-19

Next Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Ka Qeybgalay Shir Muhiim Ah Oo Ka Furmay Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Ka Qeybgalay Shir Muhiim Ah Oo Ka Furmay Baydhabo “SAWIRRO”

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Ka Qeybgalay Shir Muhiim Ah Oo Ka Furmay Baydhabo “SAWIRRO”

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026
0

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo...

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In