Mashruucaan horumarinta ee stadio mogadisho Waxaa dhagax dhigay wasiirka Dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ,
Dhismahaan waxa uu ka kooban yahay xarunta ay ku shaqaynayaan Xiriirka ku badda cagta Soomaaliyeed, laba garoon yar yar oo ay ku tababaranayaan ciyaartooyda iyo hotelkii Stadium Muqdisho
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in mashruucan uu wax badal uu kala badali doono isboortiga dalka.
“Mashruucaan aan maanta dhagax dhignay waa mid waxbadan ka bedeli doono bilicda garoonka iyo inuu soo celiyo adeegyadii oo hore u lahaan jiray stadio muqdisho”
Wasiirka wasaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi xayir (Maareeye) ayaa dhankiisa sheegay in xukumadda ay ka go,an tahay in shacabka soomaaliyeed iyo dhalinyarada ay u soo bandhigaan wax qabadka dowladda islamarkaana ay tusinayaan inay soo laabatay sharaftii ay laheyd dowladnimada soomaaliya.
“Maanta dowlad dadkeeda wax qaban karta ayaa dalka ka jirta kuna faani karaan shacabkeeda ,waana naga go’antahay inaan ummadda soomaaliyeed tusno wax qabadka dowladda”
Dhagax dhigaan mashruucaan waxaa wasiirada dhalinyarada iyo warfaafinta ku wehliyay wasiirka ku xigeenka Wasaaradda howlaha guud ee dowladda soomaaliya Jamaal Xasan Cismaan, guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliya Cabdiqani saciid carab iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda