Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MasterCard oo ku dhawaaqday in ay adeegeeda Soomaaliya ka billowday

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
MasterCard oo ku dhawaaqday in ay adeegeeda Soomaaliya ka billowday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Halka uu ka socdo(Johannesburg) shirka dhaqaalaha adduunka (World Economic Forum), ayaa shirkadda MasterCard waxa ay kaga dhawaaqday iskaashiga dhex maray iyada iyo bankiga Soomalyeed ee Premier, taas oo ka dhigaysa MasterCard shirkaddii ugu horreysay ee keenta Soomaaliya adeegga kaararka Debit iyo Prepaid cards. Iskaashigan ayaa suurageliyay in Premier Bank ATM lacag looga qaadan karo MasterCard, adeeg ama badeeco looga iibsan karo isla markaana Premier Bank ku daabacayo kaararkaas isla Soomalaiya gudaheeda, taasi oo dhacaysa markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya, kana dhacaysa Soomalaiya oo ah dal burbur ku jiray tan iyo dhicitaankii dawladdii dhexe ee dalka sanadkii 1991.

“ Soomalaiya waxa ay horay u qaadday tallaabooyin wax ku ool ah oo ku aadan dib u dhiska iyo xasilinta dalka. Maantana waa dhacdo kale oo aad u weyn oo daaha ka rogeysa xorriyada maaliyadeed oo ay gaarayaan dadka Soomalaiyeed ka gadaal sanado badan oo dalkeennu ka go’doonsanaa ganacsiga iyo dhaqaalaha adduunka” Sidaas waxaa yiri waziirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaliya mudane Abdirahman Yusuf Ali Aynte.

Related posts

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo dib u bilaabeyso bixinta adeegyada baasaboorka 

March 10, 2026
Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026

Hadda ATM-yada Premier Bank waxaa lacag loogala bixi karaa kaararka MasterCard, sidoo kale Premier Bank waxa uu sanadkan guduhiisa u daabcii doonaa dadka Soomaaliyeed ee adeegaas doonaya kumanaan kaararka debit-ka ah, waxaana taas ku xigi doona prepaid card iyo point of sale machines. Daah-furka adeegan ayaa waxa uu siinayaa dawladda, qurbo-joogta iyo hay’adaha caalamiga ahba hab sahlan, ammaan ah, lana jaa-qaadaya standards-ka caalamiga ah oo ay ku bixin karaan mushaaraadka iyo lacagaha kale ee ay u dirayaan Soomaaliya, taas oo meesha ka saaraysa khatarta qaadista cash-ka. Lacagaha loo diro Soomaliya waxa ay gaarayaan ilaa 1 billion oo doolar sanadkii, taas oo ka dhigan 35% wax soo saarka guud ee Soomaaliya, taasina waxa ay ku tusinaysaa ahmiyadda ay horumarka dalka iyo dakhliga dadka u leeyihiin lacagaha ka imaanaya dibedda.

“ U xaqiijinta maal-gashadayaasha shisheeye, qurbo-joogta Soomaaleed iyo hay’adaha deeqaha bixiyaba in nidaamkeenna maaliyadeed yahay mid la isku hallayn karo, isla markaana loo maamulo si wanaagsan waxa ay lagama maarmaan u tahay fayo-qabka dhaqaaleheenna Soo kabanaya” waziirka qorshaynta ee Soomaaliya yaa intaas ku daray. Kaararka watta calaamadda MasterCard ee Premier Bank, waxa ay u suuro-gelinayaan dadka Soomalida ah in ay cash kala baxaan ATM kasta oo leh calaamadda MasterCard adduunka oo idil iyo in ay online wax ku iibsadaan iyo sidoo kale in ay adeeg ama badeeco kaga iibsan karaan malaayiin goobo ganacsi ah oo aqbalaya kaararka lacag bixinta ee masterCard, kuna kala firirsan adduunka oo idil.

“ Hadda waxaan siin karnaa macamaiisheenna hab sahlan, aamin ah, raqiisna ah oo ay lacagaha ku bixin karaan iyaga oo jooga dalka iyo daafaha caalamka labadaba” sidaas waxaa yiri guddoomiyaha bankiga Premier Mahat Maxamed Axmed. “ Si sare loogu qado kobaca dhaqaale ee Soomaliya oo muddo dheer ka go’doonsaneed dhaqaalaha adduunka, waxaa soo baxday baahi loo qabo hababka lacag bixinta ee electronic-ga ama kaararka ah, taas oo la jaan-qaadaysa xeerarka caalamka uga degsan lacagaha” Sidaas waxaa yiri Daniel Monehin, oo ah madaxa xafiiska MasterCard ee qaabilsan waddama ka hooseeya Saxaraha Afrika.

“Heshiiska aan la galnay Premier Bank Somalia waxa uu imaanayaa xilli MasterCard ay kala shaqaynayso dawladaha iyo hay’adaha maaliyadda ee afrika sidii dadka Afrika loo gaarsiin lahaa nidaam maaliyadeed oo sahlan, ammaankiisana la isku hallayn karo, taas oo qayb ka ah hababka aan ku gaarayno aragtidenna fog ee ku saabsan dunidan oo u wareegta habka laca bixinta electronic-ga ah” ayuu ku daray Mr. Daniel Monehin hadalkiisa. Xog ku saabsna MasterCard MasterCard (NYSE: MA), www.mastercard.com,

Waa shirkad technology oo ka shaqaysa nidaamka lacag is-dhaafsiga ee caalamka. Waxaan leenahay shabakadda lacag is-dhaafisiga ee ugu dhaqsada badan caalamka, taas oo isku xiraysa dadka wax iibsada, hay’adaha maaliyadda, ganacsatada, iyo dawladaha, kuwaas oo ku kala baahsan in ka badan 210 dal. Adeegyada MasterCard waxa ay qof kasta uga dhigayaan dhaqdhaqaaqiisa ganacsi – sida wax iibsiga, safarka, maamulista ganacsiga iyo dhaqaalahaba- mid sahlan, ammaan ah, raqiisna ah. Xog ku saabsan Premier Bank Somalia Premier Bank waa banki ka diiwaan-gashan bankiga dhexe ee Soomaaliya (Laysan No. 0011).

Premier waxa uu macaamiisha u hayaa adeeg maaliyadeed oo dhamaystiran, ayna ka faa’iideysan karaan shaqsiyaadka, ganacsatada, hay’adaha. Bankigu hadda waxa uu leeyahay labo laamood oo ku kala yaal KM4 iyo Suuqa Bakaaraha, waxaana noo qorshaysan in aan ku baahinno laamo kale magaalooyinka dalka.Wixii faahfaahin ah, fadlan booqo www.premierbank.so.

Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka MasterCard

Previous Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Xildhibaano mooshin ka keenay darbiga Kenya dhiseyso

Next Post
Munaasabadda Caleema Saarka Baarlamaanka Maamulka Jubba Oo Kismaayo Ka Socota

Xildhibaano mooshin ka keenay darbiga Kenya dhiseyso

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo dib u bilaabeyso bixinta adeegyada baasaboorka 

March 10, 2026
0

Safiirka JF Soomaaliya ee dalka Yemen Danjire Cabdixakiim Maxamed Axmed oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka...

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
0

Magalada Muqdisho ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, taas oo si wadajir ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In