Friday, September 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyinta NUSOJ oo ka qeybgashay Aaska labo Weriye oo Muqdisho ku geeriyootay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Mas’uuliyinta NUSOJ oo ka qeybgashay Aaska labo Weriye oo Muqdisho ku geeriyootay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maanta si wadajir ah kala qeyb qaatay bahda warfidiyeenka Soomaaliyeed iyo Telefishinka Universal aaska labo weriye oo u kala shaqeynayay telefishinka universal iyo Idaacadda SBC kuwaasoo ku geeriyooday falkii argagixiso ee ka dhacay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay falka naxariis darada ee lagu dilay Marxuum Maxamed Cabdikarim Macalim oo u shaqeynayay telefishinka Universal iyo Cabdixakim Maxamed Cumar oo ku geeriyooday qarax bambaano oo shalay ka dhacay banaanka Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho, halka weriye Salmaan Saciid uu dhaawac wejiga iyo gacanta bidix ka soo gaaray, haatana lagu dabiibayo isbitalka Madiina ee Muqdisho.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Marxuum Maxamed Cabdikarim ayaa Muqdisho ku sugnaa muddo todobaad ah, sida uu noo xaqiijiyay Agaasimaha Bariga Africa ee Telefishinka Universal, Cabdullahi Xersi, waxaana marka shilku ku dhacay isaga iyo Salmaan Saciid ay garoonka ka dooneen weriye Cabdixakiim Maxamed Cumar oo markii ay garoonka soo laabtay masiibada kula dhacday markii ay marayeen agagaarka hotelka Jazeera.

Marxuum Cabdixakiim Maxamed Cumar ayaa meydkiisa la helay habeenimadii Axadda abaaro 9:30fiidnimo, kolkaas oo markii ay suxufiyiin Soomaaliyeed ku soo wargeliyeen Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ay dadaalo badan kadib suurogashay in meydka goobta laga qaado oo la geeyo isbitalka.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, Md. Maxamed Ibrahim oo aaska kala qeyb galay suxufiyiin tiro badan oo ka dhacayay qabuuraha dugsiga Tababarka ee Gen. Kaahiye ayaa ku tilmaamay falkaasi lagu dilay labadaasi weriye mid arxan darro ah, uguna baaqay suxufiyiinta inay feejignaan dheeri ah muujiyaan.

“Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi Raajicuun, waa geeri xanuun badan, walaalaheen keliya kama bixin qoysaskooda ee waxa ay ka baxeen dhamaan bahda warfidiyeenka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NUSOJ Md. Maxamed Ibrahim, isagoo intaa ku daray in suxufiyiintu feejignaan dheeri ah muujiyaan, Allena uga baryay kuwa geeriyoodayna in uu naxariistiisa siiyo, midka dhaawaca ahna Alle deg deg u bogsiiyo.

Allaha u naxariistee, labada marxuum ayaa ka tegay xaasas iyo caruur.

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo shaaciyay in shir Calami ah lagu qaban doono Dhawaan Muqdisho

Next Post

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim “Xaliimo Yareey oo loo doortay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka+Sawirro

Next Post
Xaliimo Ismaaciil Ibraahim “Xaliimo Yareey oo loo doortay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka+Sawirro

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim "Xaliimo Yareey oo loo doortay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka+Sawirro

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In