Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiyiinta wasaaradda warfaafinta oo ka tacsiyeeysay geerida Sheekh Cumar Yare

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Allaha u naxariistee Sheekh Cumar Yare oo caawa lagu dilay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa ka tacsiyeeysay geerida marxuun Sheekh Cumar Xuseen Xasan “Sh. Cumar Yare” oo ka tirsanaa waaxda warbaahinta ee wasaaradda warfaafinta, kaasoo xalay kooxo hubeysan ay ku dileen Muqdisho, xilli uu ka soo baxay Masjid uu ku soo Dukaday salaadda Taraawiixda.

Allaha u naxariistee Sheekh Cumar Xuseen Xasan ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho, isagoo ifka uga tagay xaas iyo wiil yar oo 11 bolood jira, wuxuuna Sheekhu casharro diini ah ka jeedin jiray Idaacadda Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026

Agaasimaha Idaacadda Radio Muqdisho Mudane Axmed Faarax “Gaatamoow” ayaa tacsi tiiraanyo u leh u diray ehelada, qaraabada, iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Sheekh Cumar Yare, isagoo ku tilmaamay in uu ahaa shaqsi magac iyo maamuus ku leh bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale agaasimaha Telefishinka Qaranka Mudane C/naasir ayaa ka facsiyeeyay geerida Sheekh Cumar Yare isagoo u rajeeyay in Jannadii Fardowso Alle ka waraabiyo, wuxuuna ku tilmaamay shaqsi aad u qiimo badan oo ka baxay ummadda Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta mudane C/risaaq Cali Yuusuf “Bahlaawi” ayaa isaguna ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Sheekh Cumar Yare, wuxuuna si gaara ugu tacsiyeeyay qaraabada ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Sheekh Cumar.

Allaha u naxariistee Sheekh Cumar Yere ayaa ahaa nin dhallinyaro ah oo leh akhlaaq wanaagsan, islamarkaana aad u bartay culuumta diinta Islaamka, wuxuuna si gaar ah Idaacadda iyo TV-ga iga jeedin jiray casharro la xiriira tarbiyada caruurta.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun 

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo bilaabeysa hawlgalo Al Shabaab looga sifeynayo qeybo ka mid ah dalka

Next Post

U diyaar garowga ciidda iyo suuqa Xamar weyne “SAWIRRO”

Next Post
U diyaar garowga ciidda iyo suuqa Xamar weyne “SAWIRRO”

U diyaar garowga ciidda iyo suuqa Xamar weyne "SAWIRRO"

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In