Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiyiinta wasaaradda warfaafinta oo ka tacsiyeeysay geerida Sheekh Cumar Yare

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Allaha u naxariistee Sheekh Cumar Yare oo caawa lagu dilay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa ka tacsiyeeysay geerida marxuun Sheekh Cumar Xuseen Xasan “Sh. Cumar Yare” oo ka tirsanaa waaxda warbaahinta ee wasaaradda warfaafinta, kaasoo xalay kooxo hubeysan ay ku dileen Muqdisho, xilli uu ka soo baxay Masjid uu ku soo Dukaday salaadda Taraawiixda.

Allaha u naxariistee Sheekh Cumar Xuseen Xasan ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho, isagoo ifka uga tagay xaas iyo wiil yar oo 11 bolood jira, wuxuuna Sheekhu casharro diini ah ka jeedin jiray Idaacadda Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

Related posts

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026

Agaasimaha Idaacadda Radio Muqdisho Mudane Axmed Faarax “Gaatamoow” ayaa tacsi tiiraanyo u leh u diray ehelada, qaraabada, iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Sheekh Cumar Yare, isagoo ku tilmaamay in uu ahaa shaqsi magac iyo maamuus ku leh bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale agaasimaha Telefishinka Qaranka Mudane C/naasir ayaa ka facsiyeeyay geerida Sheekh Cumar Yare isagoo u rajeeyay in Jannadii Fardowso Alle ka waraabiyo, wuxuuna ku tilmaamay shaqsi aad u qiimo badan oo ka baxay ummadda Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta mudane C/risaaq Cali Yuusuf “Bahlaawi” ayaa isaguna ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Sheekh Cumar Yare, wuxuuna si gaara ugu tacsiyeeyay qaraabada ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Sheekh Cumar.

Allaha u naxariistee Sheekh Cumar Yere ayaa ahaa nin dhallinyaro ah oo leh akhlaaq wanaagsan, islamarkaana aad u bartay culuumta diinta Islaamka, wuxuuna si gaar ah Idaacadda iyo TV-ga iga jeedin jiray casharro la xiriira tarbiyada caruurta.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun 

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo bilaabeysa hawlgalo Al Shabaab looga sifeynayo qeybo ka mid ah dalka

Next Post

U diyaar garowga ciidda iyo suuqa Xamar weyne “SAWIRRO”

Next Post
U diyaar garowga ciidda iyo suuqa Xamar weyne “SAWIRRO”

U diyaar garowga ciidda iyo suuqa Xamar weyne "SAWIRRO"

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In