Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo bilaabeysa hawlgalo Al Shabaab looga sifeynayo qeybo ka mid ah dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo bilaabeysa hawlgalo Al Shabaab looga sifeynayo qeybo ka mid ah dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho,(Villa Somalia) —- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa ciidammada dalalka ay saaxiibada yihiin waxay dhowaan go’aansatey in la dedejiyo hawlgallada kooxda Al Shabaab looga saarayo gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Hawlgaladani ayaa qeyb ka ah barnaamijka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka ay ku doonayaan baabi’inta argagixisada oo dilal aan loo meel dayin ku haya shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Bishii June 28 ee sannadka 2016, weerar ay wadajir u fuliyeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo waddamada aan saaxiibka nahay ayaa waxaa uu daah-fur u ahaa hawlgalo la doonayo in Al Shabaab looga xorreeyo degaannada Buulo Guduud, Jilib iyo magaalooyinka kale ee ku teedsan webiga Jubba.

madaxweyne xasanCiidammada Soomaaliya ayaa hawlgaladan ay fulinayaan waxay ka talo geliyeen hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee degaannadaasi, iyagoo ka wadahadley dhibaatooyinka ay kooxda argagixisada ku hayaan shacabka iyo guushii dhowaan ay soo hoyeen ciidammada, markii ay dileen Maxamed Dulyadeyn iyo Macallim Daa’uud oo ka mid ah ahaa horjoogeyaasha kooxda argagixisada.

Ciidammada Soomaaliya iyo odayaasha ayaa isla gartey in bulshada ay si buuxda ula shaqeyso laamaha amniga, ayna soo sheegaan wixii dhaqdhaqaaq ah oo ku saabsan falal argagixisonimo iyo haddii ay jiraan horjoogeyaal kooxda argagixisada ka tirsan oo goobahaasi ku dhuumanaya.

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanayaa taageerada shacabka ayaa dhowr goobood oo degaannadaasi ka mid ah tegey, iyagoo aan wax khasaare ah soo gaarinna dib ugu soo laabtey fariisimadooda, walow warar been abuur ah oo ay faafiyeen argagixisada Al Shabaab ay ku sheegeen inay weerareen kolonyo ka tirsan ciidanka qaranka.

————————DHAMMAAD———————-

Previous Post

R/wasaare Cumar oo la kulmay boqorka dalka Sucuudiga

Next Post

Mas’uuliyiyiinta wasaaradda warfaafinta oo ka tacsiyeeysay geerida Sheekh Cumar Yare

Next Post
Allaha u naxariistee Sheekh Cumar Yare oo caawa lagu dilay Muqdisho

Mas'uuliyiyiinta wasaaradda warfaafinta oo ka tacsiyeeysay geerida Sheekh Cumar Yare

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In