Thursday, June 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo bilaabeysa hawlgalo Al Shabaab looga sifeynayo qeybo ka mid ah dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 2, 2016
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo bilaabeysa hawlgalo Al Shabaab looga sifeynayo qeybo ka mid ah dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho,(Villa Somalia) —- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa ciidammada dalalka ay saaxiibada yihiin waxay dhowaan go’aansatey in la dedejiyo hawlgallada kooxda Al Shabaab looga saarayo gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Hawlgaladani ayaa qeyb ka ah barnaamijka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka ay ku doonayaan baabi’inta argagixisada oo dilal aan loo meel dayin ku haya shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025

Bishii June 28 ee sannadka 2016, weerar ay wadajir u fuliyeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo waddamada aan saaxiibka nahay ayaa waxaa uu daah-fur u ahaa hawlgalo la doonayo in Al Shabaab looga xorreeyo degaannada Buulo Guduud, Jilib iyo magaalooyinka kale ee ku teedsan webiga Jubba.

madaxweyne xasanCiidammada Soomaaliya ayaa hawlgaladan ay fulinayaan waxay ka talo geliyeen hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee degaannadaasi, iyagoo ka wadahadley dhibaatooyinka ay kooxda argagixisada ku hayaan shacabka iyo guushii dhowaan ay soo hoyeen ciidammada, markii ay dileen Maxamed Dulyadeyn iyo Macallim Daa’uud oo ka mid ah ahaa horjoogeyaasha kooxda argagixisada.

Ciidammada Soomaaliya iyo odayaasha ayaa isla gartey in bulshada ay si buuxda ula shaqeyso laamaha amniga, ayna soo sheegaan wixii dhaqdhaqaaq ah oo ku saabsan falal argagixisonimo iyo haddii ay jiraan horjoogeyaal kooxda argagixisada ka tirsan oo goobahaasi ku dhuumanaya.

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanayaa taageerada shacabka ayaa dhowr goobood oo degaannadaasi ka mid ah tegey, iyagoo aan wax khasaare ah soo gaarinna dib ugu soo laabtey fariisimadooda, walow warar been abuur ah oo ay faafiyeen argagixisada Al Shabaab ay ku sheegeen inay weerareen kolonyo ka tirsan ciidanka qaranka.

————————DHAMMAAD———————-

Previous Post

R/wasaare Cumar oo la kulmay boqorka dalka Sucuudiga

Next Post

Mas’uuliyiyiinta wasaaradda warfaafinta oo ka tacsiyeeysay geerida Sheekh Cumar Yare

Next Post
Allaha u naxariistee Sheekh Cumar Yare oo caawa lagu dilay Muqdisho

Mas'uuliyiyiinta wasaaradda warfaafinta oo ka tacsiyeeysay geerida Sheekh Cumar Yare

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeyb galay Shirka Gogosha...

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025
0

Ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaarijta ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, kadib howlgal qorsheysan...

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku...

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025
0

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay khawaarijtu ka fuliyaan bobolka Banaadir iyo labada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In