Sunday, June 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxaa ka soo baxay kulanka xiririnta adeegyada bulshada Gobalka Banaadir?

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 9, 2023
in Wararka
0
Maxaa ka soo baxay kulanka xiririnta adeegyada bulshada Gobalka Banaadir?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa kulan hawleed isugu yimid Waaxaha adeegyada bulshada ee Dowladda Hoose ee Muqdisho iyo Maamullada Degmooyinka iyo Deegaannada Gobalka Banaadir gaar ahaan xafiisyada arrimaha bulshada kulankaasi oo socday inta u dhaxeysay 8da ilaa 9ka Janaayo 2023. Kulankaan ayaa waxa shir guddoomiyay oo si rasmi ah u furay Gudoomiye xigeenka arrimaha bulshada Maamulka G/Banaadir Mudane Cabdicaziiz Cusmaan Maxamed.

Kulankaan ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa in la xoojiyo xiriirinta iyo tayeynta adeegyada bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka, Gargaarka, Nadaafadda Caasumadda iyo Wacyigalinta dad-weynaha. Inta uu shirka socday waaxaha adeegyada bulshada waxa ay kulanka ku soo bandhigeen bandhigyo ka saabsan howlaha adeegyada oo ay ka qabtaan degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka iyo horumarrada laga sammeeyay labadii sano ee ugu danbeysay 2021 & 2022.

Related posts

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

June 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

June 14, 2025

Dhinaca kale waxa shirka looga dooday qorshayaasha howleed ee waaxaha adeegyada ee sanadka 2023 iyo hannaanka xiriirinta iyo wada shaqaynta Waaxaha iyo Maamullada Degmooyinka. Kulanka Waxaa dhinaca kale qayb ka ahaa Guddoomiye xigeennada arrimaha bulshada ee degmooyinka iyo deegaannada kuwaasi oo warbixino dhameystiran ka baxshay xaaladda adeegyada bulshada ee heer degmo iyo sida lagu xoojin karo wada shaqaynta.

Gabagabadii shirka waxaa ka soo baxay qodobada hoos ku xusan:-

1. Kulanka waxa uu aad u bogaadiyay qabashada kulamada nuucaan oo kale ah ee xiriirinta iyo xoojinta wada shaqaynta qaybta adeegyada bulshada waxaana leysku raacay in la joogteeyo kulamada nuucaan ah.

2. Kulanka ayaa isku raacay in hannaanka wada shaqaynta waaxaha adeegyada heer Gobol iyo Maamulada degmooyinka uu noqdo mid is dhameystira oo horseeda horumarinta iyo kor u qaadista tayada adeegyada loo qabanayo bulshada.

3. Kulanka ayaa si gaar ah looga dooday ahmiyadda ay leedahay wacyigalinta dadweynaha ee la xiriira adeegyada bulshada iyo in muwaadiniinta la gaarsiiyo fariimaha wacyigalineed ee tusaaleeya waajibaadka iyo xuquuqaha muwaadiniinta waxaana leysla gartay in sanadka cusub la hirgaliyo barnaamij ballaaran ee wacyigalineed.

4. Ka qaybgalayaasha shirka ayaa aad uga dooday inta uu socday shirka arrimaha la xariira dhibaatada isticmaalka daroogada iyo sida loo xakamayn karo oo wax looga qaban karo iibinta iyo isticmaalka daawooyinka leh khataraha caafimaad waxaana agaasinka caafimaadka Gobolka xaqiijiyay in shaqo ka wadaan xal u helistooda.

5. Kulanka ayaa aad uga dooday dar-dargalinta iyo ahmiyad siinta waxbarashada asaasiga ah, tan farsamada gacanta iyo waxbarashada dadka waawayn waxaana agaasinka guud ee waxbarashada lagula taliyay in uu arrimahaasi wax badan ka qabto iyadoo ay ku soo beegmeyso xilli Maamulka G/Banaadir uu daah-furay qorshaha 5ta sano ee waxbarashada G/Banaadir.

6. Kulanka ayaa dhanka kale ka dooday in la xoojiyo isla xisaabtanka iyo la socodka hey’adaha kala duwan ee ka shaqeeya caafimaadka, waxbarashada, gargaarka, biyaha IWM.

7. Kulanka ayaa lagu soo bandhigay xaaladda guud ee abaaraha iyo saamaynteeda iyo gargaarka kala duwan ee loo fidinayo dadka ay saameysay abaarta oo ay ugu badanyhiin barakacayaasha. Waxaa kulanka inta uu socday warbixin guud ee ku aadan gargaarka iyo ka jawaabista abaaraha ka dhiibay agaasinka Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka.

8. Kulanka ayaa dhanka kale isku raacay in ay lagama maarmaan tahay in Maamulka G/Banaadir uu kor u qaado qoondada miisaaniyadda lagu baxsho adeegyada bulshada si looga jawaabo baahida dadka ay u qabaan in adeegyo loo qabto taasoo ah waajib saaran hey’adaha dowladda.

9. Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in dhammaan howlaha uu maamulku qabto gaar ahaan adeegyada bulshada laga qeybgaliyo dadka baahiyaha gaarka ah leh lana suuragaliyo in ay si buuxda ugu helaan fursado.

 

 

 

Previous Post

Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliya Oo Ku Lan La Yeeshay Safiirka Midowga Yurub 

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo La Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar Ra’iisul Wasaare Mostafa

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo La Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar Ra’iisul Wasaare Mostafa

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo La Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar Ra’iisul Wasaare Mostafa

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

June 14, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Liibaan Cali Maxamed u magacaabay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

June 14, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ugu kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo...

Boqorka dalka Sweden oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya dalkaasi

Safiirka Soomaaliya ee dalka Sweden oo warqadihii aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay boqorka dalkaasi

June 14, 2025
0

RADIO MUQDISHIO: Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhin doona dalalka Scandanevian-ka Danjire Cabdikariim Axmed Maxamed ayaa warqadihiisa aqoonsiga waxaa ka guddoomay...

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

June 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Shirkaddii Turkida ee baarista 3-D maxay arkeen/sheegeen? Waxay arkeen dhulka badda ka hooseeya sida u dhisan yahay –...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In