Monday, January 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxaa ka soo baxay shir Madaxeedkii Midowga Afrika ee Adis-ababa?

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Maxaa ka soo baxay shir Madaxeedkii Midowga Afrika ee Adis-ababa?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay inuu u soo gaba-gaboobay shir Madaxeedkii Midowga Afrika oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay kaga qeyb galeen magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in shirka oo socday mudo labo cisho ah ay ku wehlinayeen Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo safaraada Soomaaliya ee Ethiopia,wuxuuna cadeeyay inta uu shirka socday diirada lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin dib u habeynta Midowga Afrika iyo sidii ururka Midowga Afrika ugu filnaan lahaa arrimaha quseeya ee dhaqaalaha,amniga iyo arrimaha Bulshada.

Related posts

π†π”πƒπƒπŽπŽπŒπˆπ˜π€π‡π€ π†πŽππŽπ‹πŠπ€ ππ€ππ€π€πƒπˆπ‘ 𝐎𝐎 π—π€π‘πˆπ†π†π€ πŠπ€ π‰π€π‘π€π˜ πƒπ”π†π’πˆπ†π€ 𝐆𝐀𝐁𝐃𝐇𝐀𝐇𝐀 πƒπ€π‘πŒπŽπŽπ‹π„π˜

January 19, 2026
Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka

Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka

January 19, 2026

β€œWaxyaabaha lagaga hadlay shirka waxay ahayd guud ahaan dib u-habeynta Midowga Afrika iyo sidii Ururka Midowga Afrika u noqon lahaa mid adag oo ku filan arrimaha quseeya Afrika sida dib u habeynta dhaqaalaha,amniga,arrimaha Bulshada,deegaanka iyo isbedelka Cimilada aduunka,ganacsiga iyo isdhex-galka Afrika iyo waajibaadka saaran wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika,”ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Sidoo kale, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay inuu kullan gaar ah la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo madax kale oo ka socotay Midowga Afrika,kuwaasi oo ay ka wada hadleen isdhex-galka gobolka iyo iskaashiga wadamada Soomaaliya,Itoobiya iyo Eriteriya ee dhinacyada dhaqaalaha iyo isdhex-galka shacuubta saddexda dalka.

Shirka oo gelinkii danbe ee shalay la soo gabagabeeyay ayaa Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka wuxuu sheegay inuu guul ku soo dhammaaday,islamarkaana Soomaaliya qeybtii iyo kaalintii ku lahayd Midowga Afrika,caalamka iyo xiriirkii wanaagsanaa ee dibada dib u soo noqotay horayna u socon doonto.

Previous Post

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo kulan la qaatay ururada dhalinyarada ee ka jira dalka

Next Post

Maamulka Garoonka Aadan Cadde oo sheegay inay haayaan Alaabo badan oo looga tagay Garoonka “DHAGEYSO”

Next Post
70-qof oo laga soo celiyay Maraykanka oo soo gaaray Muqdisho

Maamulka Garoonka Aadan Cadde oo sheegay inay haayaan Alaabo badan oo looga tagay Garoonka "DHAGEYSO"

π†π”πƒπƒπŽπŽπŒπˆπ˜π€π‡π€ π†πŽππŽπ‹πŠπ€ ππ€ππ€π€πƒπˆπ‘ 𝐎𝐎 π—π€π‘πˆπ†π†π€ πŠπ€ π‰π€π‘π€π˜ πƒπ”π†π’πˆπ†π€ 𝐆𝐀𝐁𝐃𝐇𝐀𝐇𝐀 πƒπ€π‘πŒπŽπŽπ‹π„π˜

π†π”πƒπƒπŽπŽπŒπˆπ˜π€π‡π€ π†πŽππŽπ‹πŠπ€ ππ€ππ€π€πƒπˆπ‘ 𝐎𝐎 π—π€π‘πˆπ†π†π€ πŠπ€ π‰π€π‘π€π˜ πƒπ”π†π’πˆπ†π€ 𝐆𝐀𝐁𝐃𝐇𝐀𝐇𝐀 πƒπ€π‘πŒπŽπŽπ‹π„π˜

January 19, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Isniinta maanta ah xarigga ka jaray Dugsiga...

Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka

Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka

January 19, 2026
0

Soomaaliya waa qaran ka mid ah dalalka Afrika ugu geesisan taariikhda. Gumaysigii Yurub marka uu qaaradda ku fidayay si fudud,...

Guddoomiye Muungaab β€œSi loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.”

Guddoomiye Muungaab β€œSi loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.”

January 19, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta ka hadlay bannaanbax ay saakay...

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

January 19, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari hubeysan uu isticmaalo mootooyinka Fekonta. Sidoo kale, waxaa gebi ahaanba reeban...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In