Sunday, April 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Maxaad kala socotaa Madaxweynayaashii Maraykanka ee aan imaanin caleema saarka Madaxwaynayaashii bedelayay?

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Caalamka, Wararka
0
Maxaad kala socotaa Madaxweynayaashii Maraykanka ee aan imaanin caleema saarka Madaxwaynayaashii bedelayay?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha Maraykanka ee xilka ka sii degaya Donald Trump ayaa hore u sheegay inuusan ka soo qayb geli doonin xafladdda caleema saarka Madaxwaynaha la doortay ee Joe Biden.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026

Go’aanka Trump uu qaatay laguma arag Maraykanka 152 sano, Madaxwaynayaashii xilkooda dhamaadayna waxay kasoo qayb geli jireen caleema saarka Madaxwaynaha cusub.

Hadaba kumee ahaayeen Madaxwaynayaashii Maraykanka ee aan soo xaadirin caleema saarka kuwa bedelayay?

John Adams: waa Madaxweynihii ugu horreeyay ee qaata go’aan ah inuusan tegin xafladda caleemo saarkii Madaxwaynihii ku xigay ee Thomas Jefferson.

In kasta oo Adams iyo Jefferson ahaayeen saaxiibo isku wanaagsan, haddana siyaasadda ayaa kala fogeysay kana dhigtay rag cadaw isku ah.

Adams ayaa ka tegay Washington habeenkii ka horeeyay maalinta caleema saarka si uusan uga qayb gelin caleemo saarkii saaxiibkiis hore oo dhacayay Maarso 4, 1801.

John Quincy Adams: waxaa la yaab leh in Madaxwaynihii labaad ee diida inuu ka qayb galo xafladda caleema saarka Madaxwaynanimo uu noqdo John Quincy Adams oo raacay waddadii aabihiis, isagoo diiday inuu ka qayb galo xafladda caleemo saarka Andrew Jackson.

Martin Van Buren: Bishii Maarso 4, 1841 Martin Van Buren ma uusan soo xaadirin xafladii caleemo saarkii William Henry Harrison ilaa iyo hadana lama oga sababta keentay inuu qaato go’aankaas.

Martin Van Buren ayaa sidoo kale soo noqday Madaxwayne ku xigeenka iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Andrew Johnson: Andrew Johnson oo caan ku ahaa midab takoorka isna ma imaanin caleema saarkii  Ulysses S. Grant.

Andrew Johnson waxa uu ahaa Madaxwaynihii 17-aad ee dalka Marayaknka, wuxuuna xilka hayay sanadihii 1865 ilaa 1869.

Johnson waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah Madaxwaynayaashii ugu xumaa ee soo maray dalka Maraykanaka, waxaana lagu eedeyay inuusan ilaalin sharciyada dalka u yaalay.

Johnson iyo xildhibaanada baarlamaanka waxaa dhax maray dagaalo siyaasadeed oo badan kadib markii ay isku dayeen inay xilka ka xayuubiyaan.

Madaxwaynaha hadda xilka kasii degaya Trump ee looga guuleystay doorashadii ugu dambeysay ee dalka Maraykanka ka dhacday ayaa go’aansaday inuu maro waddaddii ay mareen dhowr kaas Madaxwayne ee aan imaanin caleema saarka madaxtinimo.

 

 

Previous Post

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo daah furay Barnaamijka kobcinta wax soo saarka xoolaha “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Hay’adaha amniga iyo Maamulka G. Banaadir “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Hay’adaha amniga iyo Maamulka G. Banaadir “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Hay’adaha amniga iyo Maamulka G. Banaadir “SAWIRRO”

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaadatay ururrada Haweenka,...

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulan muhiim ah la-qaatay dhiggiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

April 4, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashaneysa shirkadda Somali Fuel Company (SFC), ayaa maanta deeq raashin ah ku wareejisay...

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

April 4, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qaybgalay munaasababad lagu daahfurayay Xarunta Shaybaarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In