Thursday, July 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxakamad ku taal dalka Talyaaniga oo xabsi daa’in ku xukuntay nin Somali ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
October 11, 2017
in Wararka
0
Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Puntland Oo Xukuno Kale Duwan Ku Riday Eedeysanayaal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamad ku taal dalka Talyaaniga xabsi daa’in, ku xukuntay nin Soomaali ah kaddib markii lagu helay dambi ah inuu jirdil iyo dil isugu daray dad muhaajiriin ah oo ku sugnaa dalka Libiya.

Cusmaan Mahamud, oo 22 jir ah ayaa lagu xukumay Xabsi Daa’in kaddib markii Dacwad ka dhan ah ay u fariisatay Maxkamad ku taala Dalka Talyaaniga waxaana lagu soo oogay danbiyo kala Duwan.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

July 10, 2025
Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

July 10, 2025

Maxkamadda ayaa muwaadinkan Soomaaliyeed ku eedeysay in uu jirdil, kufsi iyo Dil u geystay dad Tahriibayaal ah oo doonaayay in ay gaaraan Qaaradda Yurub, iyaga ka imaaanaya Waqooyiga Qaaradda Africa waxaana la sheegay in uu la shaqeysan jiray Kooxo kale oo aan Soomaali aheyn.

Wakaalladda Wararka Talyaaniha ee ANSA ayaa sheegtay inay Maxkamadu ku heshay Eedeysanaha dilka 4 qof oo uu jir-dil ugu geystay Libya.

Dadka muhaajiriinta ah ee ka yimaada dalalka saxaraha ka hooseeya ayaa waqtiga ugu badan ku qaata xeryaha ku yaala Libiya, halkaasoo madax furasho ahaan loogu heysto, waxaana eheladooda ka sugaan lacagaha la siiyo dadka wax tahriibiya ee u qaada dalalka Yurub.

Sanadihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay dadka faraha badan ee tahriibayay dad galayay dalalka Yurub, waxaana ciidamada badda Talyaaniga ay bad baadiyeen boqolaal muhaajiriin ah oo doonayo caag ahoo ah kuwa la buufiyo ka raacay xeebaha Liibiya

 

Previous Post

Akhriso taariikhda Calankeena iyo halgankii loo soo maray

Next Post

Wasiirka Waxbarashada oo kormeeray dugsiyo ay wax ku bartaan gabdho da’yar ah+Sawirro

Next Post
Wasiirka Waxbarashada oo kormeeray dugsiyo ay wax ku bartaan gabdho da’yar ah+Sawirro

Wasiirka Waxbarashada oo kormeeray dugsiyo ay wax ku bartaan gabdho da'yar ah+Sawirro

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

July 10, 2025
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa Maxkamadda Xisaabta ee Jamhuuriyadda Turkiga (TCA), ayaa magaalada Ankara ku kala...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

July 10, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka...

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

July 10, 2025
0

Laascaanood Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

July 10, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Cammaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In