Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada oo kormeeray dugsiyo ay wax ku bartaan gabdho da’yar ah+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada oo kormeeray dugsiyo ay wax ku bartaan gabdho da’yar ah+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda, Hidaha iyo Tacliinta saree e Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta konmeer ku tagay dhowr xarumood oo isugu jira xaromo ay wax ku bartaan Gabdhaha Agoonta ah, kuwa danta-yar iyo dugsiga dadka Aragga La’a ee Al-Basiir.

Goobaha uu wasiirku tagay waxaa ka mid ah xarunta Agoonta Gabdhaha ee Boondheer, Schoolka Agoonta ee Banaadir oo ay ku jiraan ku dhawaad 1,000 arday ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho, Schoolka Yaasiin Cismaan iyo xarunta ay wax ku bartaan Ardayda Indhoolayaasha ah ee Al Bashiir ee degmada Waabari.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in ujeedkiisu ahaa in uu soo arko qaabka ay wax u bartaan gabdhaha da’yarta ah maadaama ay maanta ku beegantahay 11 October oo loo asteeyey maalinta gabdhaha yar-yar ee adduunka, isagoo qiimaha maalintaasi dowladda Soomaaliyeed ay u leedahay Aawgeed deeqa agab waxbarasho ah guddoonsiiyay maamulka dugsiga Gabdhaha Agoonta ee Boondheere.

Waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in loo bahanyahay in la garabgalo dadka danyarta ah gaar ahaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba, sidoo kalena uu qorsha sanadka soo socda ee wasaaradda waxbarashadda uu yahay in la dhiso School weyn oo ay wax ku bartaan Ardayda aan araga laheyn.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri  “Qorshaha wasaaradda waxaa ku jira in Miisaaniyadda Dowladda lagu daro 500 oo Macalin, kuwaasoo xitaa loo dirayo Goboladda Dalka haddii loo baahdo”.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa muujiyay dareenkiisa ku aaddan sida uu uga xunyahay duruufaha ay wax ku bartaan dhallaanka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in wasaaraddu ay xoojineyso dadaalka loogu jiro kor u qaadista tayada waxbarasho ee dalka, si looga gudbo in muwaadin Soomaaliyeed uu waqtigaan caalamku hormar casri ah kusii tallaabsanayo u naafoobo wax ay sahlantahay in uu si fudud ku gaaro taas oo ay aqoontu ugu horreyso.

Magaaaladda Muqdisho waxaa ku yaala xarumo badan oo ay wax ka bartaan ardayda danyarta ah iyo sidoo kale kuwa qaba baahiyaha gaarka ah waxaana intooda badan yihiin kuwo lacag la’aan ah oo ay isku xilqaameen muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka damqaday baahiyaha ay ku suganyihiin.

Previous Post

Maxakamad ku taal dalka Talyaaniga oo xabsi daa’in ku xukuntay nin Somali ah

Next Post

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Hey’adda IMF iyo Bangiga Aduunka (Sawirro)

Next Post
Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Hey’adda IMF iyo Bangiga Aduunka (Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Hey’adda IMF iyo Bangiga Aduunka (Sawirro)

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In