Wednesday, September 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda ciidamada Puntland oo beenisay iney xukuntay caruur yar yar

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda ciidamada Puntland oo beenisay iney xukuntay caruur yar yar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Puntland ee Gobolada Nugaal iyo Sool, C/laahi Xersi Cilmi, ayaa si adag u beeniyay inay dil ku rideen carruur yar yar, xilli qeyb kamid ah warbaahinta ay warkaasi tebisay.

Xeer Ilaaliyaha, ayaa sheegay in Xarunta Maxkamadan oo ku taala Magaalada Garoowe la horkeenay 45 nin, oo Shabaabka laga qabtay bishii March, isla-markaana ay dil ku xukuntay 43 ka mid ah, halka labada kalana dib loo dhigay Maxkamadayntooda, iyagoo aan gaarin buu yiri da’da qaangaarka ee 18-ka sano.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026

Goobta lagu Maxkamadeeyay maxaabiista ka tirsan Al Shabaab, ayuu sheegay inay goobjoog ka ahaayen hay’ado caalami ah, isla-markaana aanu shaki ku jirin in maxaabiistu yihiin kuwo qaangaar ah.

Maxaabiista la xukumay, ayuu sheegay in ay Maxkamadda ka hor qirteen inay ku soo duuleen Puntland, isla-markaana uu Dastuurka Puntland qeexayo cidii ku soo xadgudubta haybadda iyo calanka Puntland uu xukunkeedu yahay dil toogasho, sida uu yiri.

C/laahi Xersi oo Warbaahinta kula hadlaayay Magaalada Garoowe, ayaa ugu dambeen sheegay dadka dilka lagu xukumay in muddo 30 cisho ihi, ay rafcaan kaga qaadan karayan xukunkan.

Previous Post

Tababar loo qabtay shaqaalaha wasaaradda waxbarashada Galmudug+Sawirro

Next Post

Daawo Sawirrada: Maamulka G/Banaadir oo dib u dhis kale ku billaabay waddad Howlwadaag

Next Post
Daawo Sawirrada: Maamulka G/Banaadir oo dib u dhis kale ku billaabay waddad Howlwadaag

Daawo Sawirrada: Maamulka G/Banaadir oo dib u dhis kale ku billaabay waddad Howlwadaag

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026
0

Munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweyn diirran loogu sameeyay Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

September 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaaan Wasiirada Gargaarka iyo Haweenka Koonfur Galbeed, ayaa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In