Tuesday, November 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Gobalka Banaadir oo u fariisatay dhagaysiga dacwad la xariirto Musuq-maasuq 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda Gobalka Banaadir oo u fariisatay dhagaysiga dacwad la xariirto Musuq-maasuq 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamada gobolka Banaadir, ayaa u fadhida dhageysiga dacwad loo heysto eedeysanayaal maqanayaal ah oo ka tirsanaa Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka.

Eedeysanayaasha waxaa ka mid ah Maxamed Aadan Jimcaale Koofi, Cabduqaadir Cilmi Cali oo labaduba soo qabtay xilka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025

Waxaa kale oo ku jira eedeysanayaasha kala ah Muxyadiin Xasan Jurus oo ahaa Agaasimahii waaxda Canshuuraha berriga ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Jacfar Maxamed Axmed oo ahaa Agaasimaha is guud ee Dakhliga ee wasaaradda Maaliyadda iyo Cabdalla Maxamed Axmed oo ahaa agaasimahii waaxda IT-da ee Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa kusoo oogay eedeysanayaashaan in ay ku kaceen falal la xariira Musuq-maasuq, Lunsasho Hanti dadweyne iyo ku tagri fal awoodeed, waxaana Maxkamadda gobolka Banaadir ay todobaadkii tagay xuriyaddooda dib ugu celisay laba ka mid ah eedeysanayaasha oo xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu kala laabtay eeddii loo heestay.

Previous Post

Marwada 1aad ee Qaranka oo deeq raashin nafaqeysan guddoonsiisay Gabdhaha Agoonta ee Boondheere

Next Post

Jimciyadda Tigaad oo wax dib u habeyn ku sameysay Iskuulada Ceeldheer

Next Post
Jimciyadda Tigaad oo wax dib u habeyn ku sameysay Iskuulada Ceeldheer

Jimciyadda Tigaad oo wax dib u habeyn ku sameysay Iskuulada Ceeldheer

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

November 24, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In