Ciyaaryahanka caalamiga ah ee u dhashay dalka Argentina una dheela kooxda kubadda cagta ee Barcelona Lionel Messi ayaa ku dhawaaqay in uu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah ee xulkiisa kadib markii xalay guuldaro kala kulmay xulkiisa wadanka Chile taas oo aheyd tii afaraad oo xulkiisa Argentina kala kulmo dalka Chile muddo sagaal sano gudaheed ah.
Messi, ayaa xulkiisa ka khasaariyay gool ku laad, waxayna ciyaartaas ku dhammaatay afar iyo labo gool ku laadyadii loo dhigay kadib markii labada xul is mari waayeen intii loogu talagalay ciyaarta.
“Aniga wax micno ah iima lahan. Waxaana iga dhammaaday xilligii xulka qaranka, waxaa sameeyay wax kasta oo aan awoodi , mana ahan mid wax u dhimeysay in ahay horyaal,” ayuu sheegay 29-jirkan .
Barcelona waxaa uu kula guuleystay afar koob oo horyaalka Spain iyo afar kan qaaradda Yurub, laakiin koobta kali ah ee caalamiga ah waxaa uu ku guuleystay sanadkii 2008 ciyaarihii Olmpic-yada ee dalka China lagu qabtay
Argentina ayaa 1-0 Jarmalka ugu badiyeen sanadkii 2014 ciyaarihii koobka aduunka ka hor inta aan labo ciyaar kama dambeys oo copa America ah aan Chile ugu adkaanin. Messi sidoo kale waxaa uu guul daro kala kulmay wadanka Brazil 2007 ciyaartii kama dambeysta ee Copa America.
Gool hayaha Argentina iyo Manchester United Sergio Romero ayaa sheegay in uu rajaynaayo in Messi dib u eegis doono go’aankiisa ” Waxaa u malaynaa in uu go’aankan qaatay waqti aan caadi aheyd, sababta waxaa ay tahay fursad aad u wanaagsan ayaa naga luntay. Mana qiyaasi kari sida uu u ekaanayo xulka qaranka oo Messi la’aan ah.”
Messi ayaa Barca u dhaliyay 453 gool 531 ciyaar oo uu u saftay , taas oo ay ku jirtay Recordka uu ka dhigay horyaalka dalka Spain oo uu 312 gool. Waxaa uu sidoo kale ku guuleystay shan jeer kubadda dahabka ah ee loo yaqaano Ballon d’Or.