Monday, August 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Midowga Afrika oo Soomaaliya iyo Itoobiya ugu baaqay inay si nabad ah ku xalliyaan xiisadda ka dhex taagan  

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Midowga Afrika oo Soomaaliya iyo Itoobiya ugu baaqay inay si nabad ah ku xalliyaan xiisadda ka dhex taagan  
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Midowga Moussa Faki Mahamat wuxuu si dhow ula socdaa xiisadda ka dhalatay heshiiska ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo gobolka Soomaaliyeed ee (Soomaaliland) ayaa lagu yiri war qoraal ah oo uu soo saaray Midowga Afrika”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa ayuu yiri”. Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in la muujiyo degnaansho iyo istixgelin ka timaada labada dhinac,si loo yareeyo xiisadaha ka dhextaagan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Itoobiya.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐰𝐚 𝐥𝐚 𝐜𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐚𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐰𝐚 𝐥𝐚 𝐜𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐚𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝

August 2, 2026
Laba-Xidigle Maxamed Cabdullaahi oo loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

Laba-Xidigle Maxamed Cabdullaahi oo loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

August 2, 2026

Sidoo kale guddoomiyaha guudigga Midowga Afrika midowga Moussa Faki ayaa ku baaqay in laga fogaado waxkasta oo keeni kara in uu xumaado xiriirka derisnimo ee ka dhexeeya labadan dal ee dhaca Bariga Afrika, ayuu yiri Mr Faki.

Wuxuu intaasi ku daray in la ixtiraamo madaxbanaanida, midnimada iyo sharafta dhuleed ee guud ahaan wadamada xubnaha ka ah,Midowga Afrika, oo ay ku jiraan dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha midowga Afrika ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo shuruucda iyo xeerarka la xiriira dhowrista derisnimada,si sare loogu qaado dhiirogelinta nabadda,ammaanka iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

Midowga Afrika ayaa labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya ugu baaqay in si shuruud la’aan ah u bilaabaan wadahadalo lagu xalinayo kala duwanaanshiyohooda, iyadoo dhanka wanaagga ah laga eegaayo, dibna ay u soo celiyaan iskaashigooda si looga wada shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Ugu dambeynyii guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in ay ka go’antahay sidii xal waara loogu heli lahaa xiisadahan soo cusboonaaday.

 

Previous Post

Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo mamnuucday in hubka lala galo Stadium Muqdisho

Next Post

Iiraan oo mas’uuliyadda weerarkii Kerman ku edeeysay Isra’iil iyo Mareykanka

Next Post
Iiraan oo mas’uuliyadda weerarkii Kerman ku edeeysay Isra’iil iyo Mareykanka

Iiraan oo mas'uuliyadda weerarkii Kerman ku edeeysay Isra’iil iyo Mareykanka

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐰𝐚 𝐥𝐚 𝐜𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐚𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐰𝐚 𝐥𝐚 𝐜𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐚𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝

August 2, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo safar shaqo u joogo magaalada Laasacaanood ee xarunta Waqooyi...

Laba-Xidigle Maxamed Cabdullaahi oo loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

Laba-Xidigle Maxamed Cabdullaahi oo loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

August 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-xidigle Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan u magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Magacaabistan...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐃𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧-𝐢𝐬-𝐰𝐞𝐲𝐝𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐅𝐮𝐝𝐮𝐝𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 (𝐍𝐓𝐅𝐂)

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐃𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧-𝐢𝐬-𝐰𝐞𝐲𝐝𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐅𝐮𝐝𝐮𝐝𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 (𝐍𝐓𝐅𝐂)

August 2, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Aqoon-is-weydaarsiga Istaraatiijiyadda iyo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la magacaabay

August 2, 2026
0

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In