Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Milatari loo dhaariyey Difaaca dalka kaddib dhammaadka tababarkooda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Milatari loo dhaariyey Difaaca dalka kaddib dhammaadka tababarkooda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidammadan waxaa lagu carbiyey xerada tababarrada ee Turky-Som xoogga dalka Soomaaliyeed ayeeyna qeyb ka yihiin dufcaddaan, kuwaas oo isugu jiro saraakiil dhallinyaro aqoonyahanno oo noocyo kala duwan leh, qaatayna tababarro ka kooban Xeeladaha ciidanka Milatariga.

Waa 138 ciidammadan loo dhaariyey in ay si daacadnimo leh ugu adeeggaan dadkooda, u difaacaan uguna shaqeeyaan Calankooda Soomaaliyeed sharaftiisa, dhaarinta waxaa joogey abaalduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed General Cabdullaahi Cali Caanood, saraakiisha ugu sarreysa xeradan Turky-SOM iyo Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya. (Dhaarinta)

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Ciidammadan oo si casri ah u tababaran ayaa lagu qalabbeeyey hubka noocyada carsiga ah ee tiknoolajiyadda maanta la jaanqaadaya.

Hoggaanka Saraakiisha iyo qeybaha ciidanka kale ee la dhaariyey  ayaa khubaddoodii ku sheegay in ay ka dhabbeynayaan dhaarta ay dalka, dadka, calanka, iyo Diinta ummadda Muslimka ah ee Soomaaliyeed u qaadeen, si ay uga  ilaaliyaan cadowga gudaha iyo dibedda.

Taliyaha Xerada tababarka Turky-SOM G/sare Maxamed  Yaasiin Karan ayaa aaminsan in ciidankan ay yihiin  ciidammadii tusaalaha wanaagsan u noqon lahaa Xoogga dalka Soomaaliyeed, muraalka iyo qalabkuna ay ka dhisan yihiin.

Abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa yiri “Soomaaliya mar  kale ayeey dib ugu laabaneysaa sidii ay u soo ceshan lahayd ciidankeedii awoodda  lahaa, si jiritaanka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed u dhowraan,  cadowgana uga ilaaliyaan, waxaan idin kula dardaarmayaa in aad hormuud u noqotaan sidii aad dalkiina u nabaddeyn lahaydeen, waxaana idiin bilowdey bog cuusb oo taariikh dalkeenna aad uga qeybgeli doontaan, dhaarta aad dhaarateenna waa xaq”.

Kuliyaddaan Turky-SOM waxa ay xoogga saareysaa sidii ay u dhisi lahayd ciidan xooggan u tababarran hab carsi ah, heysta qalab ku filan, taas oo bilow  u ah isku filnaansho ciidanka Soomaaliya oo amniga dalka la wareega mustaqbalka dhow.

Feysal Muuse

Previous Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka wada deegaanno hoostaga Balcad

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In