Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Morocco oo noqotay dalkii lixaaad oo Carab ah oo la heshiiya Israel

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Morocco oo noqotay dalkii lixaaad oo Carab ah oo la heshiiya Israel
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Morocco ayaa noqotay  wadankii u dambeeyay oo ka tirsan jaamacadda Carabta oo Israel kula heshiiya soo celinta xiriirka diplomaasiyadda iyadoo Mareykanka ka shaqeeyay saxiixa heshiiskan.

Heshiiska waxaa qeyb ka ah in Mareykanku aqoonsado in gobolka Galbeedka Sahara oo ka tirsan yahay dalka Morocco.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo u hambalyeeyay Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo u hambalyeeyay Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka EAC

March 16, 2026
Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ay abaartu saameysay

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ay abaartu saameysay

March 16, 2026

Muran ayaa ka dhex taagnaa Morocco iyo jabhadda Algeria taageerto ee Polisario oo doonaya in ay gobolka Galbeedka Sahara ka dhigaan dowlad ka madaxa banaan Morocco.

Morocco ayaa noqtay wadankii affaraad oo Israel heshiis diplomaasiyadeed la galay tan iyo bishii August ee sanadkan.

Waxaa horey sidan oo kale, heshiis kula galay Israel dalalka; Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Suudaan.

Horey waxaa xiriir diplomaasiyadeed oo toos ah la lahaa Israel Masar iyo Jordan, Morocco waxay noqotay dalkii lixaad oo jaamacadda Carabta ka tirsan oo Israel la heshiiya.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa heshiiskan ku shaaciyay khamiistii bartiisa Twitter, isagoo yiri. “Heshiis kale oo taariikhi ah maanta! Labada dal ee saaxiibka weyn ah Israel iyo Boqortooyada Morocco ayaa ku heshiiyay in ay yeeshaan xiriir diplomaasiyadeed- waa talaabo weyn oo loo qaaday nabadda Bariga Dhexe!”.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Mr. Trump iyo Boqor Maxamed lixaad ee Morocco waxay ku heshiiyeen in la hirgeliyo xiriir diplomaasiyadeed oo dhex mara Morocco iyo Israel, sidoo kale kor loo qaado dhex galka dhaqaalaha, iskaashiga dhanka dhaqanka ah si loo horumariyo xasiloonida Bariga Dhexe.

Hesiiska waxaa ku jira in xafiisyo diplomaasiyadeed ka kala furtaan labada dal magaalooyinka Tel Aviv iyo Rabat, sidoo kalena Meesha laga saaro xiriir heerkiisa hooseeyay ee 2000 bilowday kaas oo ka dambeeyay cabashadii Falastiiniyiinta, saraakiil Morocco ah ayaa sheegay in heshiiska sidoo kale ku jirto in dhowaan la bilaabo duulimaadyo toos ah oo labada dhinac ah.

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid taariikhi ah, waxaana uu u mahad celiyay Boqorka Morocco.

Sidoo kale, qasriga Morocco bayaan ka soo baxay ayaa lagu xaqiijiyay heshiika, ayagoo sheegay in Boqorka uu telefoon kula hadlay madaxweynaha Mareykanka Trump isla markaana lagu heshiiyay in Morocco iyo Israel yeeshaan xiriir diplomaasi.

Masar, Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa soo dhoweeyay hesiiska Morocco iyo Israel.

Hase yeeshee, waxaa sidii caadada aheyd cambaareeyay heshiiskan madaxda Falastiin ayagoo sheegay in heshiiskan uu dhiirigelin u yahay Israel oo dafirsan xuquuqda Falastiiniyiinta.

Boqorka Morocco ayaa sheegay in talaabadan aysan wax u dhimi doonin dadaaladda boqortooyada ee ku aadan raadinta xuquuqda Falastiin.

Waxaa uu intaas ku daray in Boqorka uu la hadlay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas isla markaan ay xaqiijiyay in aysan waligood ka tanaasuli doonin xuquuqda Falastiin ee ku maqan Israel.

“Waligiis kama tanaasuli doono difaacidda xuquuqda sharciyeed oo ay leeyihiin dadka Falastiin,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay qasriga Boqorka.

Previous Post

WAFDI KA SOCDA QARAMADA MIDOOBE OO GAARAY MAGAALADA DOOLOOW

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo guddiga u saaray dilka saraakiishii katirsaneyd xoogga dalka

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo guddiga u saaray dilka saraakiishii katirsaneyd xoogga dalka

Madaxweynaha Galmudug oo guddiga u saaray dilka saraakiishii katirsaneyd xoogga dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo u hambalyeeyay Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo u hambalyeeyay Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka EAC

March 16, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa u hambalyeeyey wakiilada Xildhibaanada ah...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ay abaartu saameysay

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ay abaartu saameysay

March 16, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA) iyo Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐋𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐍𝐚𝐟𝐚𝐪𝐨-𝐝𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐭𝐚𝐲

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐋𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐍𝐚𝐟𝐚𝐪𝐨-𝐝𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐭𝐚𝐲

March 16, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda abaaraha dalka...

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

March 16, 2026
0

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka howlgala caasimadda dalka, ayaa ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In