Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mowjadaha mudaaharaadyada ka socda Faransiiska oo kor u kacay

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Mowjadaha mudaaharaadyada ka socda Faransiiska oo kor u kacay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dalka Faransiiska ayaa maanta oo Talaado ah waxaa ka socda mowjado cusub oo isugu jira mudaaharaadyo iyo shaqo joojin, kuwaasi oo looga soo horjeedo qorshaha madaxweyne Emmanuel Macron ee ku saabsan da’da hawlgabnimada.

Carada dibadbaxayaasha ayaa kor u sii kaceysay waxii ka danbeeyay markii dowladdu ay sharciga howlgabka u gudbisay Baarlamaanka, bartamihii bishii Maarso,  iyadoo aan cod loo qaadin.

Related posts

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026

Markii ay bilowdeen dibadbaxyada, Ururada shaqaalaha ayaa ka codsaday madaxweyne Macron inuu ka laabto sharciga ama uu hakiyo in muddo ah si xal loogu helo tabashada shacabka, haseyeshee Sharcigan  waa la meel mariyay, wallow aanan wali la daabicin oo lala sugaya dib u eegista golaha Dastuurka.

Dibadbaxayaasha Black Bloc, ayaa maanta burburiyay gooba ganacsi oo ay dowladda leedahay iyo xafiisyada basaska laga raaco ee magaalada Paris.

Wararka ayaa intaa ku daraya in rabshadaha dibadbaxyada ay maanta ku soo biireen magaalooyinka horleh oo horay u daganaa.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, Gerald Darmanin, ayaa maalinnimadii shalay ka digay khatarta ka dhalankarto dibadbaxyada ka socda caasimadda iyo magalooyinka kale, taasi oo sii xoojisay mudaaharaadyada maanta.

Ilaa 13,000 oo Booliis rabshadaha ka hortaga ah ayaa la geeyay magaalada Paris oo ah halka ay ka socdaan rabshadada ugu badan.

Previous Post

Shirka daah-furka warbixin muuqaaleedka dhaqaalaha dalka oo ka furmay Muqdisho

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir iyo howlgalka ATMIS oo ka wada hadlay ammaanka Caasimadda

Next Post
Maamulka Gobolka Banaadir iyo howlgalka ATMIS oo ka wada hadlay ammaanka Caasimadda

Maamulka Gobolka Banaadir iyo howlgalka ATMIS oo ka wada hadlay ammaanka Caasimadda

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHAB):-Qaar ka tirsan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhaba, ayaa maanta kulamo kala duwan kula qaatay...

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba...

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In