Munaasabadaan oo ay ka qayb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo ganacsato ayaa ahayd mid ku saabsan Furitaanka shirkadda Caymiska islaamiga ah ee Soomaaliya taas oo Soomaaliya laga hirgeliyay muddo Dhowr iyo labaatan sano ah ka dib.
Shirkadda Caymiska Islaamiga ah Ee Soomaliya ayaa Waxaa ay soo bandhigtay Barnaamij ka hadlaya Qorshahooda ku Aadan howlaha shaqo ay bulshada u qabanayso iyadoo Madaxda Shirkaddaasi ay Faah Faahiyeen Ujeedka loo Furay Shirkadaan oo ah in dadka Soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaan shaqada shirkadda caymiska qabanayso
Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta ka qayb gashay Xafladaan ayaa ka hadlay Aragtida ay ka qabaan in Shirkadda Caymis oo Muddo ka dib Soomaaliya laga furo iyagoo sheegay in tani ay tahay Horumar balaaran oo ay samaynayaan shirkadaha dalka ka howlgala.
Guddoomiyaha Shirkadda Caymiska Islaamiga ah Ee Soomaliya Maxamed Cabdi Maxamed oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in shirkaddaan ay tahay mid islaami ah oo Xiriir la leh Shirkadaha Caymiska aduunka.
TaliyahaCiidanka Nabad gelyada wadooyinka Cali Xirsi Barre Cali “gaab” oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in ka talis ahaan ay soo dhaweynayaan shirkaddaan cusub isla markaana ay la shaqeyn doonaan
Sii hayaha Xilka Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya Mudane Siciid Jaamac Cali Qoorsheeel oo ugu dambeynti soo Xiray munaasabadda ayaa Amaanay Dadaalka shirkadaas Ganacsato Soomaaliyeed ay Dalka uga hirgaliyeen Isagoo kula taliyay in Dalka oo Dhan la gaarsiiyo Adeega Caymis Ee Shirkadda
Sawir Qaade:- Farxaan Sulaymaan Daahir