Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad looga hadlayay wada shaqayn dhexmarta Bulshada iyo Laamaha Amniga oo lagu qabtay muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaaradda Caafimaadka oo caddeysay in Soomaaliya aan laga helin kiiska Cudurka Ebola
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabaddaan ayaa waxaa Ka soo qeyb galay Wasiirra Katirsan Xukuumadda Fedraalka  Soomaaliya  Taliyaha Ciidanka Boliiska, Saraakiisha Hay’adaha Amniga,   Maamulka Gobalka Banaadir, Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka, Kooxda Baanbeyda Boliiska,  Fanaaniin , dadweyne aad u Tirabadan  iyo Marti sharaf kale ayaa lagu qabtay Xarunta Degmada Yaqshid ee Magaalada Muqdisho.

Ujeedka Munaasabadda ayaa ahayd Sidii  loo xoojin la haa wadashaqeynta ka dhaxeysa Bulshada iyo Laamaha Amniga islamarkaana loo horumarin la haa Adegyada Bulshada.

Related posts

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026
Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

March 13, 2026

Qaar kamid ah Masuuliyinti Halkaasi kahadashay ayaa Tilmaamamay in Nabadda ay tahay Furaha Horumarka Dalka Dadka Soomaliyeedna looga Baahan yahay inay iskaashadaan.

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshid Cismaan Maxamuud Cadaawe oo ugu horeyn Goobta ka hadlay ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed uu ahmiyad gaar ah u leeyahay  isdhaxgalka Bulshada.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Gudoomiye kuxigeenka Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye waxa uu sheegay  in Bulshada Soomaliyeed looga baahan yahay in ay la shaqeyaan laamaaha ammaanka Si looga Guuleysto Cadowga kasoo horjeyda Nabada iyo Horumarka Dalka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud  ayaa Dhankiisa bulshada Soomaaliyeed Ku bogaadiyay in ay Door Ka qaatan Dhismaha Saldhigyada Boliiska Dalka ee ku burburay Dagaaladi Dalka ka Dhacay Si loo helo Gooba loogu Adeego Bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xuumadda Soomaaliya  Mudane Cabdirisaq Cumar Maxamed  oo munaasabadda ka hadlay ayaa Tilmamay in Dowladda Fedraalka Soomaliya ay Fursado u abuureyso  Lana Cafinayo Dhallinyarada la qalday ee Katirsan Kooxda shabaab  hadii ay Kooxdasi ka soo baxaan.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Fedraalka ee Dowlada Soomaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ( Odowaa ) oo Gaba gabada Munaasadda goobta Ka hadlay ayaa Ciidamada qalabka Sida Ku amaanay Sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin naftoodana ay ugu Huraan Nabad Galyada iyo Horumarka Dalka iyo Dadka Soomaliyed.

Previous Post

Xaflad qalin jebin ah oo loo qabtay arday dhameysatay heerka 1aad ee Jaamacadda “SAWIRRO”

Next Post

Akhriso: Warmurtiyeedkii ay soo saareen Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maamulada Puntland Iyo Jubbaland

Next Post

Akhriso: Warmurtiyeedkii ay soo saareen Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maamulada Puntland Iyo Jubbaland

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka XFS, Maxamed Xaashi Carabey oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay sare u kaca...

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

March 13, 2026
0

Mas'uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay xaflad lagu maaamuusaayey maalinta caalamiga ah ee wacyigelinta cudurka biyaha indhaha...

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In