Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad looga hadlayay wada shaqayn dhexmarta Bulshada iyo Laamaha Amniga oo lagu qabtay muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 19, 2015
in Wararka
0
Wasaaaradda Caafimaadka oo caddeysay in Soomaaliya aan laga helin kiiska Cudurka Ebola
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabaddaan ayaa waxaa Ka soo qeyb galay Wasiirra Katirsan Xukuumadda Fedraalka  Soomaaliya  Taliyaha Ciidanka Boliiska, Saraakiisha Hay’adaha Amniga,   Maamulka Gobalka Banaadir, Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka, Kooxda Baanbeyda Boliiska,  Fanaaniin , dadweyne aad u Tirabadan  iyo Marti sharaf kale ayaa lagu qabtay Xarunta Degmada Yaqshid ee Magaalada Muqdisho.

Ujeedka Munaasabadda ayaa ahayd Sidii  loo xoojin la haa wadashaqeynta ka dhaxeysa Bulshada iyo Laamaha Amniga islamarkaana loo horumarin la haa Adegyada Bulshada.

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025

Qaar kamid ah Masuuliyinti Halkaasi kahadashay ayaa Tilmaamamay in Nabadda ay tahay Furaha Horumarka Dalka Dadka Soomaliyeedna looga Baahan yahay inay iskaashadaan.

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshid Cismaan Maxamuud Cadaawe oo ugu horeyn Goobta ka hadlay ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed uu ahmiyad gaar ah u leeyahay  isdhaxgalka Bulshada.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Gudoomiye kuxigeenka Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye waxa uu sheegay  in Bulshada Soomaliyeed looga baahan yahay in ay la shaqeyaan laamaaha ammaanka Si looga Guuleysto Cadowga kasoo horjeyda Nabada iyo Horumarka Dalka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud  ayaa Dhankiisa bulshada Soomaaliyeed Ku bogaadiyay in ay Door Ka qaatan Dhismaha Saldhigyada Boliiska Dalka ee ku burburay Dagaaladi Dalka ka Dhacay Si loo helo Gooba loogu Adeego Bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xuumadda Soomaaliya  Mudane Cabdirisaq Cumar Maxamed  oo munaasabadda ka hadlay ayaa Tilmamay in Dowladda Fedraalka Soomaliya ay Fursado u abuureyso  Lana Cafinayo Dhallinyarada la qalday ee Katirsan Kooxda shabaab  hadii ay Kooxdasi ka soo baxaan.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Fedraalka ee Dowlada Soomaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ( Odowaa ) oo Gaba gabada Munaasadda goobta Ka hadlay ayaa Ciidamada qalabka Sida Ku amaanay Sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin naftoodana ay ugu Huraan Nabad Galyada iyo Horumarka Dalka iyo Dadka Soomaliyed.

 

Previous Post

Xaflad qalin jebin ah oo loo qabtay arday dhameysatay heerka 1aad ee Jaamacadda “SAWIRRO”

Next Post

Akhriso: Warmurtiyeedkii ay soo saareen Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maamulada Puntland Iyo Jubbaland

Next Post

Akhriso: Warmurtiyeedkii ay soo saareen Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maamulada Puntland Iyo Jubbaland

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In