Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muqdisho oo bisha May marti gelin doonta kulan Caalami ah ee ku aaddan Joojinta Ganacsiga Sharci darrada ah ee Dhuxusha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Muqdisho oo bisha May marti gelin doonta kulan Caalami ah ee ku aaddan Joojinta Ganacsiga Sharci darrada ah ee Dhuxusha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

-Waxaa 7-da Bisha May ee foodda innugu soi hayso la iclaamiyay shir caalami ah oo ku aaddan joojinta Ganacsiga Sharci darrada ah ee Dhuxusha.

Kulankan oo ay hoggaaminayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa kasoo qayb geli doona khabiirro ku xeel dheer degaanka, Qaramada Midoobay laanteeda degaanka iyo waaxdeeda horumarinta,  deeq bixiyayaasha Caalamka, hay’adda cunnada Adduunka ee FAO iyo xubno kale oo ka socda Beesha Caalamka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Shirkan oo ah kii ugu horreeyay noociisa ah ee lagu qabto Muqdisho ayaa looga gol leeyahay in lagu joojiyo ka ganacsiga sharci darrada ah, soo saarista iyo adeegsiga aan habooneyn ee Dhuxusha Soomaaliya.

Kulanka oo socon doono muddo labo Maalmood ah waxaa gacan ka geysanaya hay’adda horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), Hay’adda QM u qaabilsan degaanka iyo hay’adda Cunnada iyo Beeraha Qaramada Midoobay (FAO), waxaana maalgelinaya Midowga Yurub, Dowladaha Sweden iyo Talyaaniga.

Dhoofinta dhuxusha ee Soomaaliya waxaa lagu mamnuucay qaraarka tirsiguusu yahay 2012 ee uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo sidoo kale Dowladda Soomaaliya, iyada oo loo sababeynayo saameynta xun ay ku leedahay deegaanka iyo sii hurinta colaadda iyo dhibaatooyinka Beni’aaddinimada.

Soomaaliya gudaheeda waxaa la jaray 8.2 milyan oo Geed intii u dhaxeysay 2011 ilaa iyo 2017-kii, taasi oo sare u qaadday nabaad-guurka iyo cunno yarida, isla markaana ganacsiga sharci darrada ah ee Dhuxusha waa isha ugu weyn ee ay dhaqaale ka helaan maleeshiyaadka iyo kooxaha argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo canshuur ka qaata dhuxusha la dhoofiyo.

Kulankan oo ay hormuud ka tahay Dowladda Soomaaliya waxaa looga gol leeyahay in si degdeg ah lagu dhiso isbahaysi u dhaxeeya waddamada loo dhoofiyo Dhuxusha, khabiirrada caalamiga ah , kuwa maxalliga ah iyo deeq-bixiyeyaasha.

Waxaana kulankan looga gol leeyahay in loogu ololeeyo taageero, si loo qaado tallaabo wax ku ool ah, oo ay ka mid yihiin in la helo iskaashi iyo maalgashadayaal caalami ah, si Soomaaliya looga joojiyo ganacsiga sharci darrada ah, isla markana loo xoojiyo howlaha socdo ee lagu dhisayo hab-nololeed iyo il-tamareed ka duwan.

Previous Post

Madaxweynaha Sudan oo tababar u soo xiray saraakiil Soomaali ah+Sawirro

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In