Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MUUQAAL: Fariinta John Kerry ee imaanshihiisii maanta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tarjumada hadalka John Kerry

Sharaf ayey ii tahay maanta inaan noqdo xoghayihii uga horreeyey Mareykanka oo booqasho ku yimaada Soomaaliya, waxan la kulmay hogaamiyeyaasha dawladiina iyo wakiilo ka socday urarada bulshada rayidka, waxan sidoo kale doonayaa inaan qaato fursadda ah inaan shacabka Soomaaliyeed la wadaago hormarka nabadda ee soomaaliya ay ku tallaabsatay.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Labaatan sanno ka hor, dawladda mareykanka waxaa lagu qasbay in ay ka baxaan dalkina, hadda waan soo laabaneynaa anagoo la shaqeynayna beesha caalamka, waxaana jirta rajo weyn anagoo walaaca jira aan idinla wadaagno.

Waxan idin sheegayaa wixii ay diplomasiyiinta ay ii sheegayaan oo ah in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay hore u socoto soona ceshato haykalkeeda dawladnimo, iyadoo hiigsanaysa mustaqbal ifiya, meeshana ka saareyso agagixisada iyo maleshiyooyinka.

Waxaa la idin yiraahdaa dadka baahan, dad dagaal oo siyaabo badan isu dila, dagaal ku saleysan diin, cunto iyo dhibaato qoysaskiina dhexdooda ah.

Shalay Kenya, waxaan xerada qaxootiga Dhadhab kula hadlay qaxootiga Soomaalida oo dalkooda uga qaxay ineysan heysan wax difaaca, cabsi iyo dhibaatooyin kale, waxaan la kulmay Soomaali da’dooda u dhaxeysa 15, 18 iyo 20 sano, kuwaas oo ebed ka bixin xerada qaxootiga.

Waxaan maanta soo booqday waddankiina waayo waddankiina waxa uu sammeynaya isbedel, 3 sanno ka hor markii la meelmariyey dastuurka, Barlamankana la dhaariyey iyadoo taageero laga helayo Amisom, Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya waxa ay ka saareen Ugus magaaloyinka ay dadka badani degan yihiin.

Dadaalka beesha caalamkana waxaa sidoo kale xal loo helay falalka burcad badeednimada ee Soomaaliya.

Amaantasi waxaa leh Shacabka Soomaaliyeed maxaa yeelay nolol cusub baa ku soo noqotay waddooyinka Muqdisho, Kismayo, Baydhaba iyo Garoowe iyo meele kale, waxaa furmay ganacsi cusub oo ay qayb weyn ku leeyihiin qurba joogta Soomaalida ee ku soo noqonaya oo maal-gashi dhaqaale ku sameynaya dalkooda, waxayna ka qayb qaadanayaan dib u dhiska dalka.

Dabcan waxaa muuqda in dalka noqonayo mid nabdoon oo barwaaqo ah, waxa aan maanta la sheekaystay hogaamiyeyaashiina waxana kala hadlay talaabada xigta ee ay tahay in loo qaado 2016-ka iyo in la mideeyo hurumarinta Soomaaliya.

Dawladda Federal-ka waxa ay ka shaqeeynaysaa dhismaha maamul gobaleedyo cusub si loo xoojiya xasiloonida loona gaarsiyo barwaaqo meel walba oo dalka kamid ah, taasi waxaa ku jira sida mas’uuliyadaha loo wadaagayo heer qaran, heer gobal illaa heer degmo waxana rajeynayaa in horumar wanaagsan la gaaro sida uga dhakhsiyaha badan.

In ciidanka gobalka lagu soo biiriyo kuwa dawlada Federalka si ay u noqdaan ciidan xooggan oo kuwa qalabka sida ee Soomaaliya ah.

Dawladda waxa ay sidoo kale ka shaqeynaysaa oo meel geba-gebo u maraya dastuurka iyo in ay qabato doorasho Dimoqradi ah sannadka 2016-ka.

Dhamaantiin waa inaad ku yeelataan cod hanaankan, hogaamiyeyaashiina waa ay xaqijiyeen in ay ka go’antahay hurumarinta arrimahan iyo dhamaan dhaba loo marayaba, waa guul.

Dunida kama fogaan karto dal qariidada ku jira oo aan haddan maamul ka jirin, xaqiiqda waxa ay tahay in soomaaliya ay leeyahay dawlada wax ku ool ah waan fursad taariikhi ah.

Dawlada Mareykanka doorkeeda ayey qaadaneysaa waxa ay dhisaneysaa dhismaha hawlaheeda diplomasi (Safaarad) weli wakhti go’an uma sameyn dhismaha safaaradda, waxan kor u qaadayna joogitaanka diplomasiyiinteenna halkan, waxaana soo magacawnay safaarkeenii uga horeeyey tan iyo intii aan albaabada isugu dhufanay bishii Janayo sannadkii 1991.

Soomaaliya iyo Mareykanka meel wanaagsan buu xiriirkooda marayaa waxaana rajeynayaa in aan arko dalkan oo mid ah,isuna keena gobollada, soo ceshada qaxootiga dibbada ka jooga, dunida meel fiican ka istaago

Dawlada mareykanka waxa ay u diyaar garowday wax walbo oo ay ku caawin karto Soomaaliya, amaan, barwaaqo iyo nabbadba waa ay istaahilaan.

Mahadsanidiin

Tarjumay: Maxamed Cusmaan “Black Cobra”

Previous Post

DEG DEG: John Kerry oo soo gabagabeeyey socdaalkiisii Muqdisho

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka oo 25 dhaawacyo  howlo daaweyn ah ugu dirtay dalka Qatar. (Sawirro)

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka oo 25 dhaawacyo  howlo daaweyn ah ugu dirtay  dalka Qatar. (Sawirro)

Wasaaradda Caafimaadka oo 25 dhaawacyo  howlo daaweyn ah ugu dirtay dalka Qatar. (Sawirro)

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In