Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku dhintay dab ka kacay dukaan ay dhex jiifeen oo ku yaala South Africa+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku dhintay dab ka kacay dukaan ay dhex jiifeen oo ku yaala South Africa+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muwaadiin Soomaaliyeed  oo tiradooda gaareysay Afar ayaa la sheegay inay ku dhinteen dab ka kacay dukaan ay dhex hurdayeen oo ku yaalla tuulada Injolli oo ku taalla duleedka magaalada P E ee Dalka K/Afrika.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya dhimashada wiilashan,waxa ayna wararka qaar sheegayaan in dabka uu ka kacay dukaanka dhexdiisa kadibna uu ku baahay dhamaan dukaanka oo ay wiilasha u dhinteen qiicii dabka halka Wararka qaar ay sheegaan in dabka la qabadsiiyay dusha dukaanka.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026

Muwaadiintan geeriyooday ayaa lagu  magacaabi jiray, Axmed Xooshow, Xuseen Cali, iyo labada kale ayaa magacayooda lagu soo gaabiyay Aweys iyo C/rashiid.

Muxudiin Jilley oo ka mid ah ganacsatada  Somaaliyeed ayaa Radio Muqdisho  u sheegay in ay arintaani walaac badan ku abuurtay Soomaalida K/Afrika, isagoo sheegay in ay u gurmanayaan sidii muwaadiniintani loo aaasi lahaa.

“ Wiilashan waxaa ay mashaqadaan ku dhacday xilli saq dhexe ah iyagoo hurdo ku jiro waxa ayna u dhinteen qaac dabka, laba ka mid ah iyagoo nool ayaa banaanka la keenay kadib ayay dhinteen waana ka xunnahay” ayuu yiri Muxudiin Jilley.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii muwaadin Soomaaliyeed u geeriyooday dab ka kacay dukaankiisa isagoo meyd ah laga soo saaray goobtiisa ganacsi.

Dhanka kale waxaa Xaafadda Mayfair ee Johannseburg ka dhacay banaanbax ay soo qabanqaabiyeen qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaladaasi kaasoo Dowladda Hindia loogu dalbanayay inay xuriyadooda siiso muwaadiinta ku xiran dalkeeda muddo sanado ah, iyadoo dhanka kale Dowladda Soomaaliya loogu baaqay inay xoogga saarto sidii muwaadintaasi loogu soo celin lahaa Dalkooda, waxa ayna bananaabaxayasha ku dhawaaqayeen erayo looga soo horjeedo xariga wakhtiga dheer qaatay ee muwaadiinta.

C/qaadir Axad

15085682_1128694297248701_3836410189793408296_n 15095119_1128694440582020_1609505929313150551_n 15135957_10208817476687516_692470529762259476_n 15178054_1129275673857230_70545572383161227_n 15192783_1128694197248711_5767206458328816055_n 15193576_10208817476647515_2975766977232476011_n

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(INDIA):-Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran dalka...

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee 11-aad ayaa muddadii uu shaqeynayay ku guuleystay fulinta waajibaadyo muhiim ah oo kaalin muuqda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In