Friday, December 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku dhintay dab ka kacay dukaan ay dhex jiifeen oo ku yaala South Africa+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku dhintay dab ka kacay dukaan ay dhex jiifeen oo ku yaala South Africa+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muwaadiin Soomaaliyeed  oo tiradooda gaareysay Afar ayaa la sheegay inay ku dhinteen dab ka kacay dukaan ay dhex hurdayeen oo ku yaalla tuulada Injolli oo ku taalla duleedka magaalada P E ee Dalka K/Afrika.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya dhimashada wiilashan,waxa ayna wararka qaar sheegayaan in dabka uu ka kacay dukaanka dhexdiisa kadibna uu ku baahay dhamaan dukaanka oo ay wiilasha u dhinteen qiicii dabka halka Wararka qaar ay sheegaan in dabka la qabadsiiyay dusha dukaanka.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Muwaadiintan geeriyooday ayaa lagu  magacaabi jiray, Axmed Xooshow, Xuseen Cali, iyo labada kale ayaa magacayooda lagu soo gaabiyay Aweys iyo C/rashiid.

Muxudiin Jilley oo ka mid ah ganacsatada  Somaaliyeed ayaa Radio Muqdisho  u sheegay in ay arintaani walaac badan ku abuurtay Soomaalida K/Afrika, isagoo sheegay in ay u gurmanayaan sidii muwaadiniintani loo aaasi lahaa.

“ Wiilashan waxaa ay mashaqadaan ku dhacday xilli saq dhexe ah iyagoo hurdo ku jiro waxa ayna u dhinteen qaac dabka, laba ka mid ah iyagoo nool ayaa banaanka la keenay kadib ayay dhinteen waana ka xunnahay” ayuu yiri Muxudiin Jilley.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii muwaadin Soomaaliyeed u geeriyooday dab ka kacay dukaankiisa isagoo meyd ah laga soo saaray goobtiisa ganacsi.

Dhanka kale waxaa Xaafadda Mayfair ee Johannseburg ka dhacay banaanbax ay soo qabanqaabiyeen qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaladaasi kaasoo Dowladda Hindia loogu dalbanayay inay xuriyadooda siiso muwaadiinta ku xiran dalkeeda muddo sanado ah, iyadoo dhanka kale Dowladda Soomaaliya loogu baaqay inay xoogga saarto sidii muwaadintaasi loogu soo celin lahaa Dalkooda, waxa ayna bananaabaxayasha ku dhawaaqayeen erayo looga soo horjeedo xariga wakhtiga dheer qaatay ee muwaadiinta.

C/qaadir Axad

15085682_1128694297248701_3836410189793408296_n 15095119_1128694440582020_1609505929313150551_n 15135957_10208817476687516_692470529762259476_n 15178054_1129275673857230_70545572383161227_n 15192783_1128694197248711_5767206458328816055_n 15193576_10208817476647515_2975766977232476011_n

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In