Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NISA: Howlgal qorsheysan oo lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hawlgal qorsheysan oo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ay ka fuliyeen Gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Galhareeri oo ah xarunta ugu weyn ee Khawaarijtu ku leedahay Gobollada Dhexe ayaa lagu dilay 30 ka mid ah Khawaarijta oo isugu jiray Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal ay ka mid ahaayeen xubno Ajaanib ah halka dhaawacu uu yahay ilaa 20 kale. 

Goobaha lagu bartilmaameedsaday hawlgalkan waxaa ka mid ahaa xarunta Idaacadda Andulus, xarun lagu farsameyo Qaraxyada, xarunta maaliyadda ee degmada Galhareeri, guri ay daganaayeen horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta gaar ahaan kuwa sameeya Filimada ee lagu magacaabo Al-Kataa’ib, guri uu deganaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka gobolka Shabeellaha Dhexe iyo guryo ay ku shiri jireen Jabhadaha Khawaarijta. 

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

Horjoogeyaasha Khawaarijta ah ee lagu dilay weerarkan waxaa ka mid ahaa; 

1. Qoor-Cadde oo ahaa horjoogaha xarunta Qurdubi, oo ah xarun ay ku faafiyaan fikradaha qaldan. 

2. Macalim Maxamed oo ahaa ku-xigeenka xarunta Qurdubi. 

3. C/kariin Shan-boqolle oo ka mid ahaa aasaasayaashii Khawaarijta ee Galguduud. 

4. Wareershe oo ahaa horjooge ka tirsanaa qeybta Gaadiidka. 

5. Yamiin oo ahaa horjooge ka tirsanaa Maleeshiyaadka Khawaarijta ee Mudug. 

6. Cabdullaahi Macalim Bashiir oo ka mid ahaa horjoogeyaasha Maleeshiyaadka ee Galguduud. 

7. Ismaaciil Abu-Ruqiya oo ka tirsanaa qeybta marin-habaabinta Khawaarijta Galgaduud. 

8. Ciise Maxamed Wehliye oo ahaa Horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. 

9. Ciise Ruush oo ahaa Horjoogihii farsamada Hubka. 

10. Usaama oo ahaa Horjoogihii Isgaarsiinta. 

11. Xasan Nuur oo ka tirsanaa qeybta Gaadiidka. 

Hawlgalkan oo jab xoog leh lagu gaarsiiyay Khawaarijta ayaa xubnaha lagu khaarijiyay waxaa ka mid ahaa Ajaanib ka shaqeyn jirtay dhinaca Warbaahinta gaar ahaan qeybta ay ugu yeeraan Al-kataa’ib.

 

Previous Post

Duqa Muqdisho oo kulan la yeeshay dhiggiisa Magaalada Bagdaad

Next Post

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daah-furay ololaha tallaalka cudurka Dabeysha “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Caafimaadka XFS oo daah-furay ololaha tallaalka cudurka Dabeysha “SAWIRRO”

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daah-furay ololaha tallaalka cudurka Dabeysha "SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In