Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Olole Guri ka guri ah oo dadka looga wacyi-galinayo cudurka Covid-19 oo laga sameeyay Degmada Xamarjajab+sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Olole Guri ka guri ah oo dadka looga wacyi-galinayo cudurka Covid-19 oo laga sameeyay Degmada Xamarjajab+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka banaadir Guhaad sheikh Xasan Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Gobolka Banaadir  Cabdi kaafi Maxamuud Makaraan iyo Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Dowladda Hoose ee Xamar Dr Maxamed Cadoow ayaa maanta olole balaaran oo bulshada loogu wacyigelinayo Cudurka Karoona fayruska ka sameeyay Degmada xamar Jajab.

Ololahaan ayaa waxaa loo sameeyay qaar ka mid  Gaabaha Ganasiga, darawaliinta ka kaxeeya  gadiidka dadweynaha iyo sidoo kale in xaafadaha loogu tago bulshada iyadoo la siinayo sabuunta gacmaha lagu dhaqo iyo maaska afka lagu xerto sidoo kale waxaa qeyb-ka ahaa in laga gaarssiyo fariimaha wacyigelinta si ay u illaaliyaan nadaafada.

Related posts

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026

Bulshada maanta gaartay wacyigelinta ayaa soo dhaweeyay talooyinka Caafimaadka waxaana ay sheegeen inay kala shaqeynayaan Maamulka Degmada .

“Talooyinka Caafimaadka waan qaadaneynaa waxaana uga mahadcelineynaa anagoo la shaqeyneyno Maamulka Degmada”sidaas waxaa yiri qaar ka mid ah bulshada degmada

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan  iyo agaasimaha waaxda Caafimaadka ee dowladda Hoose ee Xamar Dr maxamed Cadoow ayaa ku booriyay bulshada in la qaato faarimaha wacyigalinta.

“Maanta waxaan Maamulka Degmada kala qeyb-qaadaneyanaa ololaha lagu wacyigalinayo bulshada kaasi oo ku aadan sidii loogu hortagi lahaa Cudurka Karoona”

Guddoomiyaha Degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir  Guhaad Sheekh xasan ayaa sheegay in wacyigalintaan ay ka duwan kuwii hore islamarkaana ay sii wadi doonoo iyadoo bulshada ay la fahmeen saameynta cudurkaan.

“Ololaha waa ka duwan kuwii hore anagoo xaafadaha ugu  tageyno si aan bulshadeyna ugu sheegno saameynta Cudurkaan Covid-19 iyo  qatartiisa waana nala qaateen shacabka ku dhaqan degmada Xamar jajab maadama ay nala dareemayaan Howsha Culus ee aan heyno”

Ololaahaan looga wacyigalinayo bulshada cudurkaan safmareenka ee Karoona Feyruska ayaa waxaa la gaarsiiyay ilaa heer degmo si loo xakameeyo saameynta uu haayo dalka.

 

 

Previous Post

Ciidamada Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay nin miino aasayay+Sawirro

Next Post

Baaritaanno La Sameeyay oo Lagu Xaqiijiyay in 24-kii Saac Ee Lasoo Dhaafay Ay Soo Kordheen Xaalada Cusub Oo COVID-19 Ah “SAWIRRO”

Next Post
Baaritaanno La Sameeyay oo Lagu Xaqiijiyay in 24-kii Saac Ee Lasoo Dhaafay Ay Soo Kordheen Xaalada Cusub Oo COVID-19 Ah “SAWIRRO”

Baaritaanno La Sameeyay oo Lagu Xaqiijiyay in 24-kii Saac Ee Lasoo Dhaafay Ay Soo Kordheen Xaalada Cusub Oo COVID-19 Ah “SAWIRRO”

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In