Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Olole Nadaafadeed oo Ka Bilowday Xaafada Islii “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Olole Nadaafadeed oo Ka Bilowday Xaafada Islii “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xili dhawaan shacabka ku dhaqan Xaafada ay soomalidu degto ee islii ay isugu soo baxeen dibad bax ay kaga cabanayeen nadafad darro baahsan oo ka jirta degmada KamuKunji,dhaliilana ay u soo jeediyeen dowlada hoose ee Naiorbi ayaa waxaa maanta xaafada islii ka bilowday olole nadaafadeed oo lagu soo celinayo bilicda xaafada islii ee magalada nairobi.

Ololahani nadaafadeed oo dowlada hoose ee Nairobi ay ka fulinaysay xaafada islii ayaa waxaa ka qeyb qaadanayay ganacsatada iyo shacabka ku dhaqan xaafada islii,iyadoo la arkayay gaadiid ka qeyb qaadanayay ololahan nadaafadeed.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Xubno ka tirsan gudiga ganacsatada iyo mas’uuliyiinta degmada Kamukunji oo horkacayay ololahan nadafadeed ayaa waxay ka warbixiyeen ololaha nadaafadeed ee lagu soo celinayo bilicda xaafada Islii.

“Sabtigii markan mudaharadnay isniintii shirbaa naloogu yeeray,waxaa noo yeeray gudoomiyaha gobolka Nairobi Evans Kidero,wuxuna noo balan qaaday in xaafada si weyn loo nadiifin doono,lana keeni doono labo baabuur oo xaafada si toos ah uga shaqeyn doonto,dadka qashinka ku daadinayana talaabo weyn laga qaado”Ayuu yiri Axmed Security oo kamid ahaa mas’uuliyiintii goobta ka hadashay.

“Anaguna waxay naga codsadeen hadan nahay Gudiga ganacsatada inan dadkeena wacyi gelino meelaha loogu talo galayna ay qashinka geeyaan,dhalinyarada lacagta yar la siinayo oo qashinka loo dhiibayo la joojiyo,buubuur ay keenaan qashinka lagu qaado intii loo dhiibi lahaa dhalinyaro aan meel dheer gaarsiineyn”Ayuu yiri Cumar Axmed oo ka tirsan gudiga ganacsatada ee xaafada Islii.

“Maanta waxay muujiyeen soomalidu inay u soo jeesteen nadiifinta xaafadoda,waana farxad aad u weyn marka waxan ku gubaabinayaa in horta laga fikiro sidii loo hubin lahaa in qashinkan uu qof waliba ka qaadayo gurigiisa oo uu lacagta ku bixinayo loo geyn lahaa meeshiii loogu talo galay in la geeyo”Ayuu yiri Xuseen Aar oo ka tirsan mas’uuliyiinta gudiga ganacsatada ee xaafada Islii.

Wasiirka Deegaanka iyo Tamarta ee dowlada hoose ee Nairobi mr Odiek ayaa intii uu socday ololaha nadaafadeed waxa uu soo gaaray goobaha ay ka socdeen howlaha nadaafada ee xaafada islii,isagoo xarunta dowlada hoose ee xaafada islii kulan kula qaatay shaqalaha ka shaqeeya nadaafada,waxana uu kala hadlay sidii ay u xoojin lahaayeen nadafada iyo soo celinta bilicda xaafada islii.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14

Previous Post

Golaha Wasiirada oo ka hadlay maalgeshiga iyo arrimaha Internet-ka

Next Post

Tartamayaasha degmada Baydhabo oo caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha degmada Baydhabo oo caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha degmada Baydhabo oo caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In