Monday, April 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Pakistan oo xusul duub ugu jirta sidii caalamku u aqoonsan lahaa Taliban

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Pakistan oo xusul duub ugu jirta sidii caalamku u aqoonsan lahaa Taliban
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Pakistan Shah Maxamuud Qureshi ayaa sheegay in dunida looga baahan yahay in ay u dul qaadato Taliban isla markaana xiriir lala sameeyo xukunkooda cusub.

Wareysi ay la yeelatay wakaalada wararka The Associated Press ee AP ayuu wasiirku ku sheegay in Pakistan macaal la yeelanayso maamulka curdunka ah ee Afghanistan ka jira.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026

Pakistan ayaa caalamka u soo jeedisay in la sameeyo qorshe waddada u xaaraya in Taliban hesho aqoonsi diblomaasiyadeed haddii ay ka soo baxdo shuruudaha loo dhigay ama laga doonayo.

Wasiirka oo ka qeybgalay shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa balan qaaday in dalkiisa uu cayaari doono door muhiim ah oo ku aadan xaaladda Afghanistan.

Waxaa uu xusay in xukuumadda Afghanistan u baahan tahay dhiirigelin sida horumarinta dhaqaalaha, dib u dhiska iyo ka soo kabashada dagaaladii todobaanka sano ka socday dalkaas.

Wasiir Qureshi, waxaa uu intaas ku daray in hogaanka Taliban laga filayay in ay soo dhisaan xukuumad loo dhan yahay oo haweenku qeyb ka yihiin.

“Laakiin waxaan leenahay , noqda dad garan kara waddada lagu gaari kawo yoolka ugu dambeeya,” Qureshi ayaa yiri. “ Ha la isku dayo qaabkii lagu hindisi lahaa sidii xiriir loola yeelan lahaa ayaga. Sida hadda loola dhaqmay ma ahan mid shaqeynaya.”

Mareykanka, hey’adda IMF iyo dalalka kale oo xayirey lacagaha Afghanistan ayuu wasiir Shah Maxamuud Qureshi ku booriyay in ay u fasaxaan dhaqaalahaas si loogu isticmaalo nolasha caadiga ah ee reer Afghanistan.

Xigasho: Aljazeera

Previous Post

Ajaaniib lagu heley argagaxisanimo oo saaka Muqdisho lagu xukumay

Next Post

Magaalada Dhuusamareeb oo laga daah furay Shirka xiriirinta dadaalada dowladaha hoose ee  Galmudug “SAWIRRO”

Next Post
Magaalada Dhuusamareeb oo laga daah furay Shirka xiriirinta dadaalada dowladaha hoose ee  Galmudug “SAWIRRO”

Magaalada Dhuusamareeb oo laga daah furay Shirka xiriirinta dadaalada dowladaha hoose ee  Galmudug "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulan ay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka...

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Sawirro: Waxaa si habsami leh u socota munaasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In