Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa magaalada dhuusamareeb tababarkan ugu soo gaban gabeysay Dhowr iyo toban ka mid ah maamulayaasha, macalimiinta iyo guddiyadda waxbarashada ee heer dugsi kuwaa oo mudo 8-maalmood ah la siiyey aqoon kordhin la xiriirta xirfadohooda maamulida iskuulada iyo maareyntooda.
Tabarkan ayaa si gaar ah macalimiinta dugsiyada loogu barey, kala doorashada Hababka wax dhigida, maareynta fasalka iyo qorsheynta casharada taasi oo Wasaaraddu xustey in ay uga gol-leedahay kordhinta tayada iskuulada iyo Wanaajinta xirfada gudbineed ee macalimiinta.
Qaar ka mid ah ka qayb galayaasha tababarkan iyo macalimiinta bixisey ayaa Dhamaantood muujiyey muhiimada uu u lahaa bahda waxbarashada Dhuusamareeb.
Maxamuud Axmed Cali iskuduwaha xafiiska dhuusamareeb ee wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa faah faahiyay qorshaha xiligan ee wasaaradda Waxbarashada uga dagsan kor u qaadida xirfada maamulayaasha iyo Macalimiinta dugsiyada.