Wasaaradda dalxiiska ee Masar, ayaa sheegtay maalintii shalay aheyd in ay heleen qabrigii “Bataax M Waya” oo ahaa qasnad-hayii fircoon. Qabriga waxaa helay koox arday ah oo dhigtaan jaamacad ku taal dalka masar kuwaas oo qodis ka waday wadadda koofureed ee aada qabriga boqor Onaas.
Cala Al-cajiizi oo aheyd madaxa kooxdaan baarayaasha ah, ayaa sheegtay in qabriga la helay uu watay calaamadihii lagu yiqiinay qasnad hayeyaalka dowladda, kuwaas oo qabrigooda lagu magacaabi jiray “Macbad”, meesha kuwa kale qabri loo garanayay. Waxa uuna qabrigaani ka koobanyahay albaab laga galo oo ka sameysan (marmar) mutuleelka oo kale ah, iyo barxad ku xigta oo tiirar shub ah oo waaweyn ay celinayaan, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Reuters.
Qabrigan oo albaabkiisa shub adag laga dhigay ayaa waxaa ku naqshadeysan sawirka qofka uu yahay qabrigaan. Iyo sawiro diimeedyo si qurxoon loogu naqshadeeyey gidaarada barxada qabriga. Muuqaalada ugu muhiimsan ee ku naqshadeysnaa gidaarada qabrigaan, ayaa waxa ay ahaayeen, goobaha laga soo aruurin jiray lacagaha qurbaanka iyo goob loogu talo galay in lagu qalo dibi loo bixin jiray xilligaas qurbaanka boqorka.
Dhankiisa xoghayaha guud ee hay’adda qaabilsan raadadka taariikhdii hore, ayaa sheegay in qabrigaan naqshadihiisa laga arki karo jagooyinkii uu soo qabtay ninka qabrigaan lahaa. Waxaana ka mid ahaa, qoraaga boqorka, qasnad hayaha, iyo waliba madaxa soo aruurinta canshuuraha.
Fircoon ama sida taariikhyahannadu sheegaan Ramses 2 ayaa ah kii lagu xusay quraanka ee ilaahnimada sheegtay. Waxa ayna taariikhdu sheegeysaa in uu ka mid ahaa fircoonkaan qoyskii 19aad ee faraacinadii hore. Waxa uuna xukunka 1212-1279 C.H, oo noqoneysa 69sano.