Agaasimaha Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirka Arrimaha Bani’aadannimada ayaa maanta oo Arbaca ah, sheegay in ilaa 25 milyan oo qof, oo ka dhigan in ka badan kala bar dadka reer Suudaan, ay u baahan yihiin gargaar bini’aadannimo.
Mas’uulkan ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in ay jiraan ku dhawaad hal milyan oo qof oo ka barakacay colaadaha ka socda Suudaan, kuwaas oo intooda badan u sii gudbay dalalka deriska.
Agaasimaha Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirka Arrimaha Bani’aadannimada, Ramesh Raja Singham, ayaa tilmaamay in qorshaha wax ka qabashada arrimaha bini’aadannimo ee Suudaan, ay u baahantahay dhaqaale gaaraya 2.6 bilyan oo dollar, taasi oo uu sheegay haddii aan la helin in xaaladda Suudaan ay isu rogi karto dhibaato gobolka wada gaarto.
Dalka Suudaan, tan iyo bartamihii bishii hore waxaa ka socday iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada qalabka sida iyo xoogaga taageerada degdega ah, waxaana ka dhashay khasaare baaxad leh oo kala duwan.