Tuesday, November 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaramada Midoobay oo liiska cunaqabateynta ku dartay xubno ka tirsan Khawaarijta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Qaramada Midoobay oo liiska cunaqabateynta ku dartay xubno ka tirsan Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aamiyay in cunaqabatayn lagu soo rogo saddex horjooge oo ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ee Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan Talaadadii ka soo baxay golahaasi.

War saxaafadeed ayaa lagu sheegay in saddexda horjooge lagu daray liiska cunaqabateynta ee hoos yimaada Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2713.

Related posts

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

November 10, 2025
Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

November 10, 2025

Bayaanku waxa uu intaa ku daray in kuwa la cunaqabateeyey loo diidi doono in ay helaan lacag, isla markaana lagu soo rogi doono  xayiraad dhanka socdaalka ah.

Ergada Joogtada ah ee Ingiriiska u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii sheegay in go’aankan uu yimid kadib codsiyo uga yimid Soomaaliya.

“Al-Shabaab waa Argagixiso rabshado badan, oo mas’uul ka ah dhimashada rayidka, hawl-wadeennada, shaqaalaha gargaarka iyo suxufiyiinta, waana in lala xisaabtamo,” ayaa lagu yiri bayaankaasi.

Sadexda nin ee lagu daray liiska cunaqabateynta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kala ah:-

1-Abdukadir Mohamed Abdukadir  oo ka mid ah horjooge sare oo Al-Shabaab ah.

2- Mohamed  Mire oo khawaarijta u qaabilsan ururinta waxa ay ugu yeereen Zakada;

3- Mohamed  Cumar Mohamed  oo ah horjooge kooxda Al-Shabaab u qaabilsan Diinsoor

Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad loo doortay talada dalka ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay  in dagaal adag lala galo kooxaha khawaarijta,isla markaana laga ciribtiro gudaha dalka Soomaaliya, taasi oo keentay in magaalooyin badan laga ciribtiro khawaarijta.

 

Previous Post

Xujey Soomaaliyeed oo loo qaaday magaalada Makah ee Boqortooyada Sacuudiga

Next Post

Golaha Wasiirrada oo meelmariyey sharciyo muhiim u ah dalkeenna

Next Post
Golaha Wasiirrada oo meelmariyey sharciyo muhiim u ah dalkeenna

Golaha Wasiirrada oo meelmariyey sharciyo muhiim u ah dalkeenna

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

November 10, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Hindse Sharciyeedka dib-u-eegista sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

November 10, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya, oo...

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

November 10, 2025
0

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada, kaas oo ay ka qeyb-gali doonaan wasaaradaha arrimaha gargaarka ee...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

November 10, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Mustafa Duhulow ayaa soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In