Sunday, August 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaramada Midoobay oo war ka soo saaray Abaaraka ka jira Soomaaliya

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Qaramada Midoobay oo war ka soo saaray Abaaraka ka jira Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay qoondo cusub oo dhan 20 milyan oo dollarka Mareykanka ah oo ka timid Sanduuqa Bani’aadantinimada Soomaaliya (SHF) si gargaar degdeg ah loogu fidiyo dadka halista ugu jira macluusha.

Adam Abdelmoula oo ah xiriiriyaha arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka jirto musiibo ka dhalatay abaaro ba’an oo ku habsaday qeybo badan oo ka mid ah dalka.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Dhuusamareeb

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Dhuusamareeb

August 15, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Itoobiya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Itoobiya.

August 15, 2026

“Dhowr goobood, waxaa kordhay khatarta macluusha, tiro badan oo Soomaali ah ayaa qarka u saaran masiibo,” ayuu Abdelmoula.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, Soomaaliya ayaa ah dalka ugu badan ee ay abaaruhu saameeyeen ee Geeska Afrika. Ugu yaraan 6.1 milyan oo qof ayaa ay saamaysay, kuwaas oo 771,000 ka mid ahi ay ka tageen guryahoodii iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo daaq.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 1.5 milyan oo carruur ah ay soo food saartay nafaqo-xumo ba’an, in ka badan 3,170 shuban biyood ah /daacuun iyo 2,460 xaaladood oo jadeeco ah ayaa la xaqiijiyay tan iyo bishii Jannaayo.

“Waxaan ka walaacsanahay in tiro aad u badan oo dad ah ay gaajo u dhintaan haddii aan si degdeg ah aan kor loogu qaadin gaarsiinta gargaarka bani’aadamnimo ee kuwa sida aadka ah ay u saameeyeen,” ayuu yiri Abdelmoula.

Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay in Qorshaha Waxqabadka Bani’aadantinimo ee Soomaaliya ee 2022, kaas oo lagu raadinayo 1.5 bilyan oo doollar si loo caawiyo 5.5 milyan oo qof, uu helay kaliya 18 boqolkiiba dhaqaalaha loo baahan yahay (ku dhawaad ​​260 milyan oo doollar) laga soo bilaabo May 31-keedii in kasta oo baahida sii kordheysa.

Previous Post

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Next Post

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgalo ka sameeyay Shabeellaha hoose

Next Post
Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgalo ka sameeyay Shabeellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgalo ka sameeyay Shabeellaha hoose

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Dhuusamareeb

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Dhuusamareeb

August 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Itoobiya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Itoobiya.

August 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, JFS Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa maanta qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya ee...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay Hoggaanka Taliska 21-aad ee Ciidanka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay Hoggaanka Taliska 21-aad ee Ciidanka

August 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kormeer shaqo ku tagey Taliska Qeybta 21-aad ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga

August 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Wasiir-Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In