Xoghaya Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Maraykanka Maxamed Cabdiraxmaan Cumar oo ka qeyb galayay Dood loogga arinsanayay gargaarka arimaha Beniโaadannimo iyo Musiibooyinka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey ayaa ka warbixiyay xaaladda Abaaraha ee dalka iyo dedaalada ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu jirto taakuleynta dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Xoghayaha Koowaad oo ka waramayay shirka uu ka qeyb galay ayaa yiri โWaxaan warbixin ka siinay xaaladda Soomaaliya ee hadda iyo baahida loo qabo in laga wada shaqeeyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinkaas beniโaadannimo ee hadda taagan.โ
Sidoo kale Maxamed Cabdiraxmaan Cumar ayaa u mahadceliyay guddiga Abaaraha ee Heer Qaran oo dedaal badan ku bixiyay sidii loo kaalmeyn lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo Madaxweynaha JFS iyo Raโiisul Wasaaraha Dalka.











