Sunday, July 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaramaynta Ciidamada Ahlu-Sunna waa astaan Dowladnimo

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
July 6, 2019
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya Oo Maanta Si Rasmi Ah Dhuusamareeb Uga Billaawday Diiwaan Gelinta Ciidanka Ahlu Sunna “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cudadda ciidamada Qalabka sida waxay ka mid yihiin astaamaha Qaranimada dal uu leeyahay,  la’aantoodna aysan suurtagal ahayn dowladnimo dhamaystiran la helo, Soomaaliya waxay soo martay xilli awoodeeda ciidan ay ka mid ahayd  kuwa ugu dhumucda wayn qaaradda afrika,islamarkaana ka qaybqaadan jirtay nabad ilaalinta qaaradda Afika iyo kuwa caalamkaba.

Hase yeeshee nasiib darada ugu wayn ee dalkeenna ku dhacday waxaa ay ahayd burburkii ku yimid Ciidamada qalabka sida, taasoo ahayd sababta ugu waynayd ee hordseeday qaranjabkii ku dhacay dowladeennii  iyo haybaddii qaranimo ee dalkeennu lahaa,taaso aan meel kale looga imaan balse duminteedii sababsatay gacmaheenna.

Related posts

Wasaaradda Qorsheynta XFS Oo Daahfutay Daraasaad Ku Saabsan Doorka Aqoonta iyo Xirfadaha

Wasaaradda Qorsheynta XFS Oo Daahfutay Daraasaad Ku Saabsan Doorka Aqoonta iyo Xirfadaha

July 6, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo furay kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

Wasiirka Warfaafinta XFS oo furay kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

July 6, 2025

Xilligaan soo kabashada lagu jiro, xukuumadihii dalka soo maray waxay sameeyeen qorshayaal dib loogu soo noolaynayo ciidamadii dalkani lahaa, balse dadaaladaasi intooda badan sidii loogu talagalay uma hirgalin, waxaase nasiib wanaag ah in xukuumadda hadda dalka ka jirta ay qaaday wadadii saxda ahayd ee lagu xaqiijinayay dib-u dhiska iyo dib u habaynta ciidamada, taasi oo socotay ku dhawaad muddo labo sano ah,waxaana lagu guulaystay in la hubiyo tirada saxda ah ee ciidamada iyo in xuquuqdooda iyo mushaaraadkooda loo marsiiyo habka Bio-metric iyo waddo aan musuqmaasuq lahayn

Tallaabooyinka ifafaalaha guuleed leh ee dowladda Soomaaliya u qaaday dhanka dhismaha ciidan qaran oo hanan kara guud ahaan dalka Soomaaliya xudduudihiisa, dhulka,Badda iyo hawada waxaa ka mid ah dib u Qaramaynta ciidamada Ahlusunna ee deegaanada Galmudug, taasi oo ka danbaysay safar shaqo oo Ra’iisalwasaare Xaan Ali Khayre ku tagay dowladgoboleedkaasi.

Qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ku diiwaangalinayso ciidamada Ahlu-Suuna ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga bilowday ,si ay uga mid noqdaan ciidamada qaranka, tallaabadaasi oo si dardar leh uga socota xarunta Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya md.Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay Munaasabadda daah-furka qaramaynta iyo diiwaan gelinta ciidanka dowladda ay kala wareegtay Ahlu Sunna, ayaa u mahadceliyay Ahlu Sunna iyo guud ahaan hoggaanka Galmudug, waxa uuna sheegay in Galmudug ay direyso farriin cad oo ah in ay astaan u tahay qarannimada iyo dowladnimada.

Md.Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in munaasabadda Dhusamareeb ka dhacday ay farriin u dirayso kooxda Khawaarijta ah, isaga oo ugu baaqay shacabka hubka heysta in ay ku daydaan Ahlu Sunna Waljamaaca oo ay hubka ku wareejiyaan dowladda, si loogu isticmaalo difaacidda qarannimada.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa caddeeyay in askari kasta ee la diiwaan geliyo uu xuquuqdiisa ka helayo dowladda Soomaaliya, saraakiisha ciidanka Ahlu Sunna iyana ay ka mid noqonayaan saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dalka, ayna ka howl galayaan deegaan kasta oo dowladdu u dirto in ay ka shaqeeyaan.

Ciidamada Ahlu Sunna ee diiwaan gelinta lagu billaabay ayaa lagu kala darayaa qaybaha uu ka koobanyahay ciidamada qalabka ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana la marsiinayaa hab-raaca diiwaan gelinta habka Bio-metric kaas oo horseedaya in arkari kasta xogtiisa oo dhammaystiran la keydiyo.

Munaasabadda daahfurka Diiwaangalinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa, xildhibaanno, wasiirro, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida, madaxa fulinta,G/Mudug, wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya, Francisco Madeira iyo ergayga gaarka ah ee IGAD, Mohamed Ali Guyo

Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda kadib kormeeyay xarumaha ay ka billaabatay diiwaan gelinta ciidanka, waxa uuna faray mas’uuliyiinta ku howlan, in ay sida ugu dhaqsaha badan ay shaqada ku qabtaan, si ciidanku ugu diyaar garoobaan xoreynta deegaannada cadawga ku suganyihiin ee dalka.

Taliyaasha Ciidanka qalabka sida ayaa iyagana guda galay dhaqan gelinta amarkii Ra’iisul Wasaare, Xasan Cali Khayre ee ahaa in la Qarameeyo ciidamada Ahlu sunna, islamarkaana laamaha ammaanka dowladda laga howl geliyo Dhuusamareeb ayaa qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsaha badan ay uga gun gaaraan diiwaangalinta, si loogu diyaar garoobo xoraynta degaannada ay haraadiga Al-Shabaab uga suganyihiin Galmudug.

Guulaha kale ee dowladda Soomaaliya ka gaartay Qaramaynta ciidamada Ahlu-Sunna iyo ciidamada kale ee ku kala sugan deegaanada G/Mudug ayaa waxaa ka mid ah in Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Soomaliya ay 700 oo Askari iyo Gaadiid dagaal kala wareegtay maamulka Ahlu Sunna ee Degmooyinka Caabud-waaq iyo Balanballe si loo Qarameeyo.

Munaasabadda wareejinta Hubka iyo Ciidanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa,Wasiiru- Dowlaha Wasaaradda Gaashandhigga Maxamed Cali Xagaa, Xildhibaanno, Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee Q/sida,Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, , mas’uuliyiinta maamulka Degmada Balanballe ,Saraakiil iyo madax kale.

Ifafaalaha iyo horumada ka soo if baxaya G/Mudug ee lagu Qaramaynayo Ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa kale ee beelaha ee ku sugan degaanadaasi,waxay cadayn u tahay Taabagalnimada Qorshaha dowladda Soomaaliya ee ah in Qarankeennu yeesho ciidamo awood leh oo sugi kara amniga gudaha iyo badqabka xuduudaha dalka.

W/Q: Abuukar Gobdoon

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Kormeeray Wasaaradda Qorsheynta.”Sawirro”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhuusamareeb Kula Kulmay Ganacsatada Kasoo Jeedda Galmudug

Next Post
Akhriso: Ra’iisul wasaare Kheyre oo magacaabay guddiga Qaran ee qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhuusamareeb Kula Kulmay Ganacsatada Kasoo Jeedda Galmudug

Wasaaradda Qorsheynta XFS Oo Daahfutay Daraasaad Ku Saabsan Doorka Aqoonta iyo Xirfadaha

Wasaaradda Qorsheynta XFS Oo Daahfutay Daraasaad Ku Saabsan Doorka Aqoonta iyo Xirfadaha

July 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 06-JULY-2025- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Iyo Maalgashiga XFS Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beene-Beene) ayaa maanta waxa uu  daahfuray daraasaad ku...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo furay kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

Wasiirka Warfaafinta XFS oo furay kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

July 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Muqdisho, 06 Luulyo 2025 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Magacaawday xubnaha guddiga farsamo ee dhameystirka Maamulka SSC-Khaatumo

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Magacaawday xubnaha guddiga farsamo ee dhameystirka Maamulka SSC-Khaatumo

July 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS, Cali Xoosh ayaa magacaabay guddi ka kooban sideed...

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

July 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Isu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In