Qarax weyn oo gaari loo adeegsaday ayaa ka dhacay meel banaanka ah saldhiga booliis oo ku yaala magaalada koofur bari ee dalka Turkiga ee Cizre, sida ay sheegeen warbaahinta dalkaas.
Ilaa iyo hadda lama soo warinin wax dhimasho ay oo qaraxaas ka dhacay, inkastoo laga cabsi qabo in ay dad badan ku waxyeeloobaan.
Sawiro la soo geliyay baraha bulshada ayaa waxaa ay muujinayaan dhisme dhowr dabaq ka kooban oo burbursan, mana cadda cida ka dambeysay weerarkan waxayna warbaahinta Turkiga ay ku eedeysay in ay ka dambeeyaan ururka PKK.
Magaalada Cizre ayaa dhowr jeer oo hore waxaa soo maray rabshado keentay in bilihii la soo dhaafay lagu soo rogay bandow taas oo qeyb ka ah dagaalka Turkiga uu kula jiro falaagada PKK.
Qaraxaas ayaa dhacay saacado hore ee waqtiga dalka Turkiga, iyadoo dad goob joogiyaal ah ay sheegeen in ay maqleen jug aad u weyn.
Kow iyo toban gaadiidka gurmadka deg dega ah oo loo yaqaano ambulances iyo labo kamid ah duyuuradaha nooca qumaatiga u kaca ah ayaa goobta loo direy, sida uu soo wariyay wargeyska Hurriyet.