Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa faah faahin ka bixiyay qalabka saadaasha hawada oo uu ka keenay dalka Kenya, si dowladda Soomaaliya ay ula wareegto maamulka hawada.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qalabka uu ka keenay Kenya ay yihiin qeyb ka mid ah kuwii loogu shaqeynayay hawada Soomaaliya, uuna ku wareejin doono Wasaaradda gaadiidka maalinta Isniinta ah.
Danjiraha ayaa xusay in tani ay door weyn ka qaadan karto horumarka dalka, maadaama Wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada ay awood u yeelan doonto in caasimadda ay ka maamusho hawada dalka.
“Maalinta Isniinta ayaan rabnaa inaan qabano xaflad aan qalabkan ku wareejineyso madaxda Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, si inta dhiman loo soo dhameystiro” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiyada dalka Kenya.