Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM oo dhibaato dhaqaale laga soo sheegay

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
QM oo dhibaato dhaqaale laga soo sheegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa sheegay in hey’adda ay soo wajahday lacag yari waxaana uu ku booriyay dalalka xubnaha ka ah in ay bixiyaan qaaraanka si looga gudbo dhibaatada dhaqaale ee soo food saaartay QM.

Warbaahinta Mareykanka ee Fox News, ayaa sheegtay in  Guterres uu  u digay xubnaha ururka in ay qeyb ka noqdaan dhibaatada dhaqaale ee hey’adda QM “ dhibaato dhaqaale ayaa soo food saartay QM taas oo ka dhalatay xubnaha ururka oo la daahay qaaraankii,”.

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

“Socodkayaga lacagta caddaanku marnaba ma aheyn mid sidan u hooseeya bilowga sanadka, qaabka hadda wax u socdaan sidoo kale walaac ayay nagu heysaa; lacagta waa ay naga dhamaan doontaa dhowaan haddii aan wax isbedelin,” ayuu sheegay Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres.

Guterres ayaa qorsheynaya in la yareeyo kharashka ku baxa howlaha ururka isla markaana aysan saameyn ku yeelan u jeedooyinka QM, isagoo xubnaha ururka u soo jeediyay aragti lagu xoojinaayo hanaanka maaliyadeed ee Qaramada Midoobay.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa ku goodiyay in ay dhaqalaha ka jari doonaan hey’adda haddii ajendiyaasha Washington la fulin waayo.

Mareykanka waxaa uu isha ku hayaa in dhaqalaha lagu bixiyo hey’adaha qaar ee ururka, hase yeeshee Mareykanku ma dhimin mina yareyin lacagahaas, sababta daahitaanka lacagta ayaa lagu sheegay in  maamulka Trump dib u habeyn ku sameeyay miisaaniyadda Mareykanka.

Hugh Dugan, oo ah diblomaasi hore oo Amerkaan ah waxaa uu leeyahay dalalka kale waxaa ay iska dhig dhigaan sida Mareykanka ay ugu go’an tahay dhaqaale ku bixinta ururkan iyo cilaaqaadka caalamiga ah.

Horaantii sanadkan, Mareykanka waxaa uu joojiyay dhaqaalihii uu ku bixin jirtay hey’adda QM u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee loo soo gaabiyo (UNRWA).

Hadalka Guterres  ee ku wajahan xubnaha ururka QM ayaa imaanaya xilli madaxweyne Trump uu cadaadis saaray dalalka caalamka iyo xulafada gaashaan buurta NATO in ay ka soo baxaan waajibaadkooda.

Tallaadadii la soo dhaafay, danjiraha Mareykanka ee QM  haweeneyda lagu magacaabo Nikki Haley  waxaa ay dalalka Carabta u sheegtay in ay dhaqaale badan ku bixiyaan arrimaha Falastiin.

“Mareykanku waa mid deeqsi ah. Waxaan nahay dad arrimaha  bani’aadanimada daneeya . Waxaana doon dooneynaa waddo kasta oo lagu caawin karo dadka Falastiin, kuwaas oo dhibaatadooda si weyn noo taabanayso,” ayay tiri.

“Laakiin anaga duqomo ma nihin.  Hadaan fidino gacan saaxiibtinimo iyo mid deeqsinomo , ma fileyno  in gacamaha nalaga qaniino. Marka aan gacanteena fidino waa in kuwa kale sidaas oo kale yeelaan,” ayay hadalkeed u soo gabagebeysay Nikki Haley  danjiraha Mareykanka ee QM.

 

Previous Post

Howlgalo Amaanka lagu xaqiijinaayo oo Saaka ka socda Magaalada Gaalkacyo

Next Post

Qaban qaabo lagu soo dhaweynaya Ra’iisul Wasaaraha oo Garoowe ka socota +Sawiro

Next Post
Qaban qaabo lagu soo dhaweynaya Ra’iisul Wasaaraha oo Garoowe ka socota +Sawiro

Qaban qaabo lagu soo dhaweynaya Ra'iisul Wasaaraha oo Garoowe ka socota +Sawiro

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In