Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM oo dib u dhisaysay masjidkii Alnuur ee magaalada Mosul +Sawirro

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
QM oo dib u dhisaysay masjidkii Alnuur ee magaalada Mosul +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sideed nakhshideeye oo u dhashay dalka Masar ayaa ku guuleystay tartan caalamiga ah oo hey’adda UNESCO ku doonayso in dib loogu dhiso masjidka qaddiimiga ah ee ku yaala magaalada Mosul ee dalka Ciraaq, affar sano ka dib markii kooxda ISIS ay qarxiyeen dhismaha masjidka Al-Nuur.

Waa masjidkii uu Abu Bakar al-Baghdadi kaga dhawaaqay ISIS 2014

Injineerada ku guuleystay mashruuca waxaa ay kala yihiin; Saalax Aldiin Samiir Xareedy, Khaalid Fariid Aldhiib, Shariif Faraag Ibraahim, Taarek Cali Maxamed, Nuux Mansuur Rayaan, Xager Cabdul Qani, Maxamuud Sacad Jamaal iyo Yusra Muxamed Albaxa.

Related posts

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

December 23, 2025
Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

December 23, 2025

Kooxda ISIS ayaa 2017 burburiyay masjidkan oo dhisnaa muddo 12 qarni ah.

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka iyo cilmiga ee UNESCO ayaa doonaysa in ay dib u soo nooleyso taariikhda Masjidka Al-Nuur.

Tartan ay ka qeybgaleen 123 injineer ayaa laga xushay sideed nin oo u dhashay dalka Masar kuwaas oo soo saaray nakhshadda ugu fiican ee Masjidka.

Nakhshadda cusub ee Masjid

Dagaalka Mosul waxaa ku dhintay kumanaan shacab ah iyadoo  ku dhowaad hal milyan oo qof  ay ka barakaceen, sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray badi dhismiyaasha qaddiimiga ahaa ee magaalada.

Burburka soo gaalay magaalada Mosul intii uu socday dagaalkii sagaalka bilood u dhexeeyay ciidanka dowladda iyo ISIS

”Dib u dhiska masjidka wuxuu uu noqon doonaa calaamadda horumarka dib u dhiska magaalada dagaalada burburiyeen,” sidaa waxaa tiri Audrey Azoulay oo ah agaasimaha hey’adda UNESCO.

Gudaha masjidka wuxuu u ahaan doonaa sidii hore, waxaase jiri doono isbedelo muhiim ah oo lagu sameyn doono waxaa kamid ah in nalalka iyo in la balaariyo meelaha haweenka iyo mas’uuliyiinta, ayaa lagu yiri bayaanka UNESCO.

Masjidka waxaa loogu magac daray Nuur al-Diin Maxamuud Zangi oo ahaa hogaamiyihii muslimiinta dagaalkii masiixiyiinta. Sanadkii 1172 ayaa la dhisay masjidka.

UNESCO ayaa tartankan bilowday bishii November 2020, iyadoo kaashanaysa wasaaradda dhaqanka Ciraaq, hey’adda awqaafta iyo dowladda Imaaaraadka Carabta.

Waa nakhshadda masjidka Alnuur oo dhameystiran

Hey’adda UNESCO ayaa injineerada ku abaal marisay $ 50,000 doollar, iyadoo dib u dhiska masjidka la filayo in la bilaabo dhammaadka sanadkan 2021.

 

Previous Post

Ciidamada Xoogga iyo AMISOM oo kawada hadlay xoojinta wadashaqeynta ka dhaxeysa+Sawirro

Next Post

Magaalada Xudur oo maanta laga oogay Salaad Roob doon ah “SAWIRRO”

Next Post
Magaalada Xudur oo maanta laga oogay Salaad Roob doon ah “SAWIRRO”

Magaalada Xudur oo maanta laga oogay Salaad Roob doon ah “SAWIRRO”

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

December 23, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiista ee XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa galabta tababar u soo xiray in ka badan...

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

December 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenkii hore ee dalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
0

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025
0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In