Wednesday, March 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM oo dib u dhisaysay masjidkii Alnuur ee magaalada Mosul +Sawirro

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
QM oo dib u dhisaysay masjidkii Alnuur ee magaalada Mosul +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sideed nakhshideeye oo u dhashay dalka Masar ayaa ku guuleystay tartan caalamiga ah oo hey’adda UNESCO ku doonayso in dib loogu dhiso masjidka qaddiimiga ah ee ku yaala magaalada Mosul ee dalka Ciraaq, affar sano ka dib markii kooxda ISIS ay qarxiyeen dhismaha masjidka Al-Nuur.

Waa masjidkii uu Abu Bakar al-Baghdadi kaga dhawaaqay ISIS 2014

Injineerada ku guuleystay mashruuca waxaa ay kala yihiin; Saalax Aldiin Samiir Xareedy, Khaalid Fariid Aldhiib, Shariif Faraag Ibraahim, Taarek Cali Maxamed, Nuux Mansuur Rayaan, Xager Cabdul Qani, Maxamuud Sacad Jamaal iyo Yusra Muxamed Albaxa.

Related posts

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

March 18, 2026
Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

March 18, 2026

Kooxda ISIS ayaa 2017 burburiyay masjidkan oo dhisnaa muddo 12 qarni ah.

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka iyo cilmiga ee UNESCO ayaa doonaysa in ay dib u soo nooleyso taariikhda Masjidka Al-Nuur.

Tartan ay ka qeybgaleen 123 injineer ayaa laga xushay sideed nin oo u dhashay dalka Masar kuwaas oo soo saaray nakhshadda ugu fiican ee Masjidka.

Nakhshadda cusub ee Masjid

Dagaalka Mosul waxaa ku dhintay kumanaan shacab ah iyadoo  ku dhowaad hal milyan oo qof  ay ka barakaceen, sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray badi dhismiyaasha qaddiimiga ahaa ee magaalada.

Burburka soo gaalay magaalada Mosul intii uu socday dagaalkii sagaalka bilood u dhexeeyay ciidanka dowladda iyo ISIS

”Dib u dhiska masjidka wuxuu uu noqon doonaa calaamadda horumarka dib u dhiska magaalada dagaalada burburiyeen,” sidaa waxaa tiri Audrey Azoulay oo ah agaasimaha hey’adda UNESCO.

Gudaha masjidka wuxuu u ahaan doonaa sidii hore, waxaase jiri doono isbedelo muhiim ah oo lagu sameyn doono waxaa kamid ah in nalalka iyo in la balaariyo meelaha haweenka iyo mas’uuliyiinta, ayaa lagu yiri bayaanka UNESCO.

Masjidka waxaa loogu magac daray Nuur al-Diin Maxamuud Zangi oo ahaa hogaamiyihii muslimiinta dagaalkii masiixiyiinta. Sanadkii 1172 ayaa la dhisay masjidka.

UNESCO ayaa tartankan bilowday bishii November 2020, iyadoo kaashanaysa wasaaradda dhaqanka Ciraaq, hey’adda awqaafta iyo dowladda Imaaaraadka Carabta.

Waa nakhshadda masjidka Alnuur oo dhameystiran

Hey’adda UNESCO ayaa injineerada ku abaal marisay $ 50,000 doollar, iyadoo dib u dhiska masjidka la filayo in la bilaabo dhammaadka sanadkan 2021.

 

Previous Post

Ciidamada Xoogga iyo AMISOM oo kawada hadlay xoojinta wadashaqeynta ka dhaxeysa+Sawirro

Next Post

Magaalada Xudur oo maanta laga oogay Salaad Roob doon ah “SAWIRRO”

Next Post
Magaalada Xudur oo maanta laga oogay Salaad Roob doon ah “SAWIRRO”

Magaalada Xudur oo maanta laga oogay Salaad Roob doon ah “SAWIRRO”

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

March 18, 2026
0

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu talagalay Ciidda u qeybiyey hooyooyin iyo carruur ku jira Isbitaalka Xoogga,...

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

March 18, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo...

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

March 17, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

March 17, 2026
0

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta deeq lacageed oo Ciid-siin ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In