Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM oo sheegtay in gargaar la gaarsiin waayay dadku ku xayiran goobah adagaalada Syria

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
QM oo sheegtay in gargaar la gaarsiin waayay dadku ku xayiran goobah adagaalada Syria
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegeysa in sida kaliya ee ee gargaar lagu gaarsiin karo dhulka uu mucaaradku gacanta ku hayo ee bariga Quuda ee Dalka Syria ay tahay xabbad joojintii muddada bisha ahayd ee uu dalbaday golaha ammaanku.

Waxaa Qaramada Midoobey ay sheegtay in inkastoo Ruusku uu ku dhawaaqay xabbad joojin muddo shan saacadood ah maalin kasta laga billaabo shalay oo salaasa ahayd, haddana ay u suurtageli weyday in gargaar la gaadhsiiyo dadka tabaaleysan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

QM waxa ay sidoo kale xusaty in dhamaan dhinacyada oo dhami ay tahay in ay u hoggaansamaan xabad joojinta ay dalbadeen golaha ammaanka ee QM , taasina ay ku xirantahay nolasha kumanaan rayid ah.

Guul daradaasi ku timid xabbad joojintii uu Ruushka ku dhawaaqay ayaa dowladda Suuriya waxa ay ku eedeysay mucaaradkeeda iyo kooxo argagixiso oo ku sugan bariga Quuta.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Suuriya Feysal Mikdaad ayaa sheegay in xabbad joojintaasi dhanka bani’aadanimada loogu talagalay in lagu badbaadiyo nolasha dadka bariga Qouta waxa uuna mucaaradka ku eedeeyay in ay hannaankaasi carqaladeeyeen.

Maalinimadii Shalay ayay ahayd maalintii ugu horreysay ee xabbad joojinta uu Ruushka ku dhawaaqay ee shanta saacadood maalin kastaa ayaa dagaallo iyo duqeymo dhacay waxaa ku dhintay ugu yaraan lix qof.

Mucaaradka iyo dowladda Suuriya midba midka kale ayuu ku eedeeyay jebinta heshiiskaas balse Ruushka ayaa mucaaradka Suuriya ku eedeeyay in ay hoobiyeyaal ku duqeeyeen aag loo asteeyay in dadka gargaarka ay ka helaan.

Balse Dowladda  Mareykanka ayaa Ruushka ku eedeynaya laba wajiileyn oo waxa uu yiri waxa uu shidaya dabka ka huraya Suuriya isla markaana uu iska dhigayo qofkii colaaddaasi dhex dhexaadinayay.

Previous Post

Dhageyso Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo saaka maleeshiyaadka Al-shabaab ka saaray deegaanka Moqokori

Next Post

W/Kuuriya oo dalka Syria ka caawineysa wax soo saarka hubka Kiimikada.

Next Post
W/Kuuriya oo dalka Syria ka caawineysa wax soo saarka hubka Kiimikada.

W/Kuuriya oo dalka Syria ka caawineysa wax soo saarka hubka Kiimikada.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In